Siciid Deni oo qeylo-dhaan culus kasoo saaray Qorshe Xasan Sheekh kawado deegaanada Puntland

Maamulka Puntland ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay tallaabooyin ay sheegeen inay wiiqeen nidaamka federaalka, kordhiyeen khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana halis geliyeen amniga xeebaha Puntland.
Khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Puntland, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in nidaamka federaalka Soomaaliya uu wajahayo caqabado waaweyn, isagoo ku eedeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka inay ka gudbeen xuduudaha dastuuriga ah isla markaana dhaawaceen xiriirka dowlad-goboleedyada.
Deni ayaa ku andacooday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu carqaladeeyay heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka, isla markaana uu bartilmaameedsaday maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in tallaabooyinka dowladda dhexe ay khatar ku yihiin jiritaanka iyo wadajirka nidaamka federaalka.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay inay door ku leedahay xaaladaha amni darrada ah ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada xeebaha, isagoo sheegay in la abaabulayo kooxo hubeysan iyo shabakado burcad-badeednimo oo laga hirgelinayo qaybo ka mid ah xeebaha Puntland.
Sida uu sheegay, degmada Xaafuun, Eyl iyo Jariiban ayaa ka mid ah goobaha lagu tuhunsan yahay in lagu qorayo maleeshiyaad hubeysan, kuwaas oo Puntland ku tilmaamtay kuwo loogu talagalay in lagu xasillooni-darro geliyo gobolka.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in arrimahan ay salka ku hayaan dano siyaasadeed, isla markaana ay halis ku yihiin amniga badda iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika. Puntland waxay caddeysay inay ka hortagi doonto tallaabo kasta oo ay u aragto mid wax u dhimaysa heshiisyada federaalka iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.









