Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan xoogag daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbeddelladii ugu dambeeyay ee maamulka gobolka. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in gaadiid dagaal oo gaashaaman, hub lidka taangiyada ah iyo nidaamyo gantaallo oo ka hortaga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) la geeyay fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada taageersan Lafta Gareen ee duleedka Baydhabo. Taageerayaasha hoggaamiyihii hore ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid looga jawaabayo waxa ay ku eedeeyeen…
Murashax da’yar oo u taagnaa doorashada Golaha Deegaanka degmada Afgooye, Suleyban Axmed Guudle, ayaa xalay lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa. Goobjoogayaal iyo eheladiisa ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen Suleyban xilli uu ku sugnaa degmada, ka hor inta aysan goobta ka baxsan. Wararka ayaa tilmaamaya in marxuumka uu isu diyaarinayay ka qeybgalka doorashada Golaha Deegaanka ee la filayo inay dhowaan ka dhacdo degmada Afgooye. Suleyban Axmed Guudle ayaa ahaa siyaasi dhalinyaro ah oo hore uga tirsanaa Golaha Deegaanka, waxaana lagu tilmaamay shaqsi si weyn uga dhex muuqday…
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo garabsanaya ciidanka deegaanka, ayaa ku guuleystay howlgal qorsheysan oo lagu fashiliyey walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyada, kuwaas oo la sheegay in loo waday kooxda Khawaarijta. Howlgalkan, oo muddo ay ku daba jireen hay’adaha ammaanku, ayaa lagu soo qabtay walxo kiimiko ah oo ku jiray in ka badan boqol jirgaan. Wararka ayaa tilmaamaya in kooxda Khawaarijta ay walxahan ku duugeen meel ku dhow deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ogaadeen in ciidamada ammaanku ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqooda. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalkaasi…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Jowhar ka xarig-jarey mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo si wadajir ah u daah-furay xarunta cusub ee Madaxtooyada Hirshabeelle, Aqalka Baarlamaanka, xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Waxbarashada iyo waddooyin cusub oo laga dhisay magaalada Jowhar. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashaariicdan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dowladnimada iyo adeegyada bulshada, iyadoo la xoojinayo bilicda iyo horumarka caasimadda Hirshabeelle.
Hay’adda Dhaxalka ee Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in la helay dhagax qoraal ah oo lagu xardhay magaca Khaliifkii labaad ee Islaamka, Cumar bin Al-Khattab, intii lagu guda jiray baaritaanno qadiimi ah oo laga sameeyay gobolka Madiina. Hay’addu waxay sheegtay in helitaankan uu yahay mid si weyn ugu biiraya diiwaanka sii kordhaya ee dhaxalka Islaamiga ee hore ee Boqortooyada. Hay’addu waxay Talaadadii sheegtay in dhagax-qoraalkan uu ka mid ahaa 1,774 waxyaabo qadiimi ah hadii ah kuwaas oo laga helay wajiga koowaad iyo labaad ee mashruuc ballaaran oo sahamin ah oo laga sameeyay degmada Al-Mahd. Xogta ay bixisay Hay’addu ayaa tilmaamtay in…
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Fargeeti, ayaa si adag u dhaliilay doorashadii maanta ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu qasbay shacabka. Fargeeti, oo hadda ka tirsan mucaaradka, ayaa sheegay in habka doorashadu aanu waafaqsanayn dastuurka Koonfur Galbeed isla markaana uu horseedi doono xasillooni darro iyo dib u dhac siyaasadeed. “Maanta waa maalin kale oo Koonfur Galbeed ay markhaati ka tahay hannaan doorasho oo la isku maquuniyey, sharciyaddiisuna muran ku jiro, kana hor imanaya dastuurka Koonfur Galbeed, taasoo sii hurin karta qalalaase iyo dib u dhac dhinac kasta ah,” ayuu yiri…
Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Mareykanka ay ugu diidday gelitaanka garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Cumar Cartan, iyagoo ku tilmaamay dhacdadaasi inay muujinayso waxa ay ugu yeereen cadaawad muddo dheer ka jirtay siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaalida. Bayaan ay soo saareen Arbacadii, Al-Shabaab ayaa ku dooday in kiiska Cumar Cartan uu yahay tusaale muujinaya takoorka iyo cadaadiska ay sheegayaan in Soomaalidu kala kulmaan Mareykanka. Kooxdu waxay sidoo kale ku eedeysay Mareykanka inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana uu taageero dhinacyo gaar ah oo dano siyaasadeed leh. Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in maamulka Madaxweyne…
Warar laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ay xiriir toos ah la sameysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu wargeliyay in la yareeyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda xaafadaha ay degan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ciidamada la geeyay agagaarka Bangariyada iyo Buula-Xuubeey dib looga qaaday goobihii ay ku sugnaayeen, halka sidoo kale la raray gaadiid dagaal oo ku sugnaa jidadka waaweyn ee ku dhow deegaannada ay dagan yihiin madaxda mucaaradka. Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, iyadoo mucaaradku hore uga digay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo. Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay doorashooyinkii ka dhacay Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla. “Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay deegaanka, aniga oo u rajeynayaa in uu xoogga saaro mideynta…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe cusub oo lagu adkeynayo xakameynta hubka lagu dhex haysto magaalada Muqdisho, iyadoo la doonayo in la hirgeliyo siyaasaddii hore ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee la xiriirtay sugidda amniga caasimadda. Sida ay sheegayaan ilo amni, qorshahan cusub wuxuu diiradda saaraya in la yareeyo hubka iyo ciidamada gaarka ah ee ay haystaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiintii hore ee dowladda, iyadoo la qorsheynayo in hubka culus iyo gaadiidka qoryaha lagu rakibay lagu koobbo gacanta dowladda. Wararka ayaa tilmaamaya in madaxdii hore ee dalka, oo ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore, loo dejinayo tiro cayiman oo ilaalo…