Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sameeyay isbeddel dhanka hoggaanka ah oo lagu sameeyay Qeybta Booliiska Militariga ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Isbeddelkan ayaa sababay in xilkii laga qaado Taliyihii Qeybta Booliiska Militariga, Aadan Jeelle Cali, oo muddo hoggaaminayay cutubkaasi muhiimka ah ee ka shaqeeya sugidda amniga iyo ilaalinta nidaamka ciidamada. Ilo wareedyo rasmi ah ayaa u sheegay Banaadir24 Online, in go’aanka xil ka qaadista uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn lagu wado hay’adaha amniga dalka, inkastoo aan la shaacin faahfaahinta rasmiga ah ee sababtay tallaabadan. Waxaase xusid mudan in Aadan Jeelle uu helay dallacaad ciidan wax yar kadib markii…
Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa gashay maalintii labaad oo xiriir ah oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada dega, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha iyo barakaca shacabka ay sii kordhaan. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, xiisadda ayaa ka dhalatay dhacdooyin la xiriira eedeymo kufsi oo dhex maray xubno ka kala tirsan labada beelood. Wararka ayaa tilmaamaya in gabadh yar lagu kufsaday magaalada Talaadadii, taasoo dhalisay caro iyo muran xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada. Maalintii Arbacada ayaa la soo sheegay in saddex dhallinyaro ah ay weerar aargoosi ah ku qaadeen gabar kale oo…
Dhamme Mukhtaar Dhicisow Xasan, oo ahaa Taliyaha CID-da Hirshabeelle, ayaa wali ku xiran xarunta CID-da Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalintii lixaad ee uu xabsiga ku jiro. Sida xogaha la helayo ay sheegayaan, Mukhtaar Dhicisow ayaa la qabtay intii lagu guda jiray iska horimaadyadii ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamada mucaaradka ee Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaa lagu eedeeyay inuu gaari booliis oo kamid ah gaadiidka Hirshabeelle u adeegsaday sidii hub loogu gaarsiin lahaa ciidamo taageersanaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in…
Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Heshiiska IGAD, Axdiga Midowga Afrika, iyo Axdiga Qaramada Midoobay. IGAD waxay ogaatay warar ku saabsan furitaanka safaarad ay sheegtay in Gobollada Waqooyi ay ku leeyihiin Quddus, waxayna mar kale adkaysay mowqifkeeda muddo dheer soo jiray ee ah in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya si buuxda loo ixtiraamo. Xoghayntu waxay muujineysaa walaac ay ka qabto tallaabo kasta ama hindise kasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed…
Madaxweynaha Somaliland ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in Israa’iil ay saldhigyo milatari ka samaysatay gudaha Somaliland, isagoo sheegay in aysan jirin wax joogitaan ciidan oo Israa’iili ah oo ka jira deegaannada Somaliland. Wareysi uu bixiyay ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Somaliland aysan martigelin xarumo ama saldhigyo militari oo Israa’iil leedahay, wuxuuna meesha ka saaray wararka la xiriira in dhulka Somaliland loo adeegsanayo dano militari oo shisheeye. Markii la weydiiyay suurtagalnimada weerarro kaga yimaada kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, ayuu sheegay in Somaliland aysan doonayn iska horimaad ama colaad ay la gasho cid kasta. “Cadow kuma nihin cidna,” ayuu yiri…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxammed Al-Muwalad, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo Maalgashiga. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga taageeradeeda joogta ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhankiisa, Danjire Axmed Bin Maxammed, ayaa la-wadaagay Ra’iisul Wasaaraha, sida…
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si kulul uga hadashay booqashada uu Israa’iil ku tagay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyagoo ku eedeeyay Israa’iil inay qorshayaal istiraatiiji ah ka leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Bayaan ay Axaddii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Xuutiyiinta, laguna daabacay wakaaladda wararka Saba, ayaa lagu cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil, taasoo lagu tilmaamay tallaabo halis ku ah danaha gobolka. Xuutiyiintu waxay sheegeen in cid kasta oo xiriir la sameysa Israa’iil ay garab taagan tahay waxa ay ku tilmaameen dambiyada ka socda Falastiin, Lubnaan, Iiraan iyo Yemen. Waxay sidoo kale ku adkeysteen…
Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo isugu jiray cir iyo dhul ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa garab socday duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamka, kuwaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Ciidamada DANAB ayaa sidoo kale gudaha u galay godad iyo fariisimo ay kooxdaasi gabaad ka dhiganaysay, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaanno iyo howlgal sifeyn ah. Sida wararka hordhaca ah lagu xaqiijiyay, ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsanaa…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Gaashaanle Dhexe Aadan Jeelle Cali oo ahaa Taliyaha Guutada 23-aad ee Booliska Militariga, iyadoo xilkaas u magacowday Korneyl Cabdullaahi Cismaan Jimcaale, taasoo qayb ka ah isbeddello ballaaran oo lagu sameynayo hoggaanka hay’adaha amniga. Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in tallaabadan ay ku soo beegantay xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay dib-u-habeyn lagu sameynayo saraakiisha amniga, kuwaas oo lagu eedeeyay inay muujiyeen daacadnimo la’aan intii lagu jiray xiisadihii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Aadan Jeelle lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay fulinta amarro ciidan…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu qorsheynayo inuu xiriir la sameeyo maamul-goboleedyada Soomaaliya isagoo aan kala tashan Dowladda Federaalka. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay si toos ah uga hor imaaneyso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka. Wasaaraddu waxay caddeysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharciyan awood u leh metelaadda dalka iyo maareynta xiriirrada caalamiga ah, iyadoo ka digtay in xiriir kasta oo lala yeesho maamul-goboleedyo si ka baxsan dowladda dhexe uu…