Qaramada Midoobay oo malaayiin dollar siineysa Soomaaliya si looga…

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay $10 milyan ka sii daysay Sanduuqa Degdegga ah ee Bani’aadantinimada si loogu gurmado Soomaaliya, iyadoo dalka uu wajahayo khatar macluul oo sii xoogeysanaysa.
Mas’uulka gargaarka bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa sheegay in tallaabadan degdegga ah ay timid si looga hortago in xaaladdu isu beddesho macluul baahsan, isagoo xusay in “fursadda lagu badbaadin karo nolosha dadka ay aad u kooban tahay.”
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad 6 milyan oo qof ayaa wajahaya cunto yari daran, halka 1.9 milyan ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar degdeg ah.
Lacagtan cusub ayaa lagu taageerayaa in gargaar degdeg ah lagu gaarsiiyo 640,000 qof, oo ay ku jiraan cunto, nafaqo, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad.
QM ayaa sidoo kale ka digtay in gobollada Bay iyo Bakool laga helay khatar macluul oo dhab ah, gaar ahaan deegaannada beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada.
Tan iyo bilowgii 2026, in ka badan 500,000 qof ayaa barakacay, iyadoo xaaladda lagu sheegay mid sii xumaaneysa sababo la xiriira abaaro is xigxigay, colaado, cudurro iyo sicir barar saameeyay nolosha shacabka.









