LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Turkiga oo Soomaaliya ku Wareejiyay Qalab Casri ah oo Lagu Xoojinayo…

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku wareejisay qalab casri ah oo ay bixisay Hay’adda Iskaashiga iyo Isuduwidda Turkiga (TİKA), si loo xoojiyo loona casriyeeyo howlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in taageeradan ay kor u qaadi doonto hufnaanta hay’adda, dardargelin doonto adeegyada ay wasaaraddu bixiso, isla markaana ka qeyb qaadan doonto dadaallada lagu gaarayo isku-filnaanshaha cuntada ee dalka.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa TİKA iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, kuwaas oo maanta noo soo gaarsiiyay wejigii koowaad ee taageerada aan codsanay,” ayuu yiri wasiirku intii lagu guda jiray munaasabadda wareejinta qalabka ee Muqdisho.

Wuxuu xusay in codsigan loo gudbiyay Madaxweynaha TİKA, Cabdullaahi Eren, xilli uu booqasho ku joogay magaalada Ankara sanadkii 2025.

Qalabka la wareejiyay ayaa waxaa ka mid ah kombiyuutarro, daabacayaal (printers) iyo shaashado casri ah, kuwaas oo lagu horumarinayo awoodda shaqo ee wasaaradda.

“Waxaan si weyn u qadarinaynaa iskaashigan, waxaana rajaynaynaa inuu sii socdo wada-shaqeynta aan la leenahay saaxiibadeenna reer Turkiga,” ayuu yiri wasiirku.

Xiriirka dhow ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u xoogeystay tan iyo sanadkii 2011, markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare, uu booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya.

Tan iyo markaas, Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgeliyay mashaariic horumarineed iyo gargaar bani’aadamnimo oo lagu qiyaaso in ka badan hal bilyan oo dollar, kuwaas oo taabanaya caafimaadka, waxbarashada, adeegyada dowladda hoose iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *