LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo Taliye Cusub U Magacowday Qaybta 54-aad ee Garoowe , Xiisad Cusub Oo Qaraxday

Wararka naga soo gaaraya ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Jimcaale Jaamac Takar u magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, oo fadhigiisu yahay magaalada Garoowe.

Magacaabistan ayaa la sheegay inay timid kadib markii Dowladda Federaalka ay dhammaystirtay qaab-dhismeedka talisyada ciidanka, isla markaana ay si rasmi ah u dhistay guutooyin iyo ururo hoos yimaada qaybtaas.

Arrintan ayaa noqoneysa tallaabo si weyn loo hadal hayo, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee DFS ay si toos ah taliye qayb ciidan ugu magacowdo Puntland tan iyo xilligii dowlad-dhiskii Jamhuuriyadda Federaalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in magacaabistan aan horay loola socodsiin maamulka Puntland, taas oo dhalisay su’aalo iyo walaac siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Lama oga sida Puntland uga falcelin doonto go’aankan, balse falanqeeyayaal ayaa sheegay in arrintani ay sii hurin karto xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore dowladda federaalka ee Xasan Sheekh hogaamiyo ugu eedeysay inay deegaanada Puntland ay ka qoraneyso kooxo kasoo horjeeda maamulkaas su khalkhal iyo xasilooni darro ay uga abuurto deegaanada Puntland.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *