Galmudug oo qaadacday guddiga doorashada, dalbatayna…

Maamulka Galmudug ayaa soo saaray bayaan culus oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Mahamud Seeko, ayaa sheegay in Galmudug aysan aqbali doonin, kana qayb geli doonin guddi doorasho oo hadda muran xooggan ka taagan yahay, isagoo ku tilmaamay in guddoomiyaha guddigaasi loo arko inuu la safan yahay dhinac ka mid ah siyaasiyiinta is khilaafsan.
Galmudug ayaa adkaysay in doorasho la isku halleyn karo ay suuragal tahay oo keliya marka ay jirto guddi doorasho oo madax-bannaan, dhexdhexaad ah, isla markaana ay ku kalsoon yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Maamulka ayaa sidoo kale ka digay in haddii aan la helin hannaan doorasho oo dhex-dhexaad ah, ay taasi dhaawici karto kalsoonida shacabka isla markaana sii kordhin karto xiisadaha siyaasadeed ee dalka.
Bayaankan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaaliya ee ku saabsan qaabka iyo sharciyadda hay’adaha doorashada, taasoo dhalisay walaac cusub oo ku saabsan mustaqbalka hannaanka doorashooyinka dalka.









