LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Askar ilaalo u ahayd Taliyaha guutada 8-aad ee ciidanka Xoogga oo u goostay Laftagareen

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in afar askari oo horey uga tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Taliyaha Guutada 8-aad Cabdulle Isxaaq ay maanta si lama filaan ah uga soo bexeen magaalada, iyagoo ku biiray dhinacyada sheeganaya “halganka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed”.

Tallaabadan ayaa si weyn u dhalisay hadal-heyn iyo shaki ku saabsan xaaladda gudaha ee ciidanka, iyadoo falanqeeyayaal qaar ay ku tilmaameen mid muujin karta kala qeybsanaan iyo hoos u dhac ku yimid kalsoonida gudaha ee cutubyada uu hoggaamiyo taliye Cabdulle Isxaaq.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in askartan ay ka mid ahaayeen ciidanka ugu dhow ee ilaalin jiray taliyaha, taas oo sii kordhinaysa muhiimadda siyaasadeed iyo amni ee ay leedahay go’aankooda.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska Guutada 8-aad oo ku saabsan dhacdadan.

Arrintaan ayaa imaaneysa iyadoo muddooyinkii dambe ay sii kordhayeen ciidamada ka goosanaya dowladda federaalka ee ku biiraya ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo halkaas oo mararka qaar ay weeraro ugasoo qaadaan magaalada Baydhabo oo dhowr jeer oo hore ay gudaha u galeen.

Dhawaan ayay ahayd markii taliyihii garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo iyo ciidamo uu watay ay u goosteen dhanka Laftagareen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *