Xuutiyiinta oo Hanjabaad Toos ah U Diray Somaliland iyo Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si kulul uga hadashay booqashada uu Israa’iil ku tagay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyagoo ku eedeeyay Israa’iil inay qorshayaal istiraatiiji ah ka leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Bayaan ay Axaddii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Xuutiyiinta, laguna daabacay wakaaladda wararka Saba, ayaa lagu cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil, taasoo lagu tilmaamay tallaabo halis ku ah danaha gobolka.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in cid kasta oo xiriir la sameysa Israa’iil ay garab taagan tahay waxa ay ku tilmaameen dambiyada ka socda Falastiin, Lubnaan, Iiraan iyo Yemen. Waxay sidoo kale ku adkeysteen in Israa’iil aysan ka hirgelin karin qorshayaal ay ku doonayso inay saameyn ku yeelato Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
“Yemen waxay diyaar u tahay inay ka hortagto qorshe kasta oo ay Israa’iil ka waddo Soomaaliya iyo Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Kooxdu waxay ugu baaqday dowladaha Carabta inay qaadaan tallaabooyin ka baxsan cambaareynta afka ah, isla markaana ay si dhab ah uga hortagaan waxa ay ku tilmaameen dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ee gobolka.
Sidoo kale, Xuutiyiintu waxay muujiyeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin dadaallada looga hortagayo saameynta Israa’iil ee Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Hadalka Xuutiyiinta ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda siyaasadeed ee ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ay sii xoogeysaneyso, taasoo dhalisay falcelinno kala duwan oo gudaha iyo dibadda ah.









