Xasan Sheekh oo dallacsiiyay taliye uu xilka qaadis ku sameeyay maalmo kahor

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sameeyay isbeddel dhanka hoggaanka ah oo lagu sameeyay Qeybta Booliiska Militariga ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Isbeddelkan ayaa sababay in xilkii laga qaado Taliyihii Qeybta Booliiska Militariga, Aadan Jeelle Cali, oo muddo hoggaaminayay cutubkaasi muhiimka ah ee ka shaqeeya sugidda amniga iyo ilaalinta nidaamka ciidamada.
Ilo wareedyo rasmi ah ayaa u sheegay Banaadir24 Online, in go’aanka xil ka qaadista uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn lagu wado hay’adaha amniga dalka, inkastoo aan la shaacin faahfaahinta rasmiga ah ee sababtay tallaabadan.
Waxaase xusid mudan in Aadan Jeelle uu helay dallacaad ciidan wax yar kadib markii xilka laga qaaday, iyadoo loo magacaabay darajada Sareeye Guuto. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn la xiriirta macnaha iyo ujeeddada ka dambeysa go’aanka isku mar isugu jira xil ka qaadis iyo dallacsiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah igama aysan hadlin sababaha gaarka ah ee keenay isbeddelkan, hase yeeshee tallaabada ayaa imanaysa xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo hannaanka hoggaaminta iyo howlaha hay’adaha amniga.
Lama shaacin cidda si rasmi ah ula wareegi doonta hoggaanka Qeybta Booliiska Militariga, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isbeddelkan.









