LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada DANAB oo Gudaha u Galay Godadkii Al-Shabaab, Khasaaro Xooggan oo La Gaarsiiyay

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo isugu jiray cir iyo dhul ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa garab socday duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamka, kuwaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Ciidamada DANAB ayaa sidoo kale gudaha u galay godad iyo fariisimo ay kooxdaasi gabaad ka dhiganaysay, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaanno iyo howlgal sifeyn ah.

Sida wararka hordhaca ah lagu xaqiijiyay, ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka, halka weli ay socoto qiimeynta khasaaraha kale ee soo gaaray kooxda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ay ku baacsanayaan Al-Shabaab, si loo adkeeyo amniga loogana saaro deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan ee gobolka Jubbada Hoose.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *