LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilkii ka qaaday Taliyihii Guutada 23-aad ee Booliska Militariga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Gaashaanle Dhexe Aadan Jeelle Cali oo ahaa Taliyaha Guutada 23-aad ee Booliska Militariga, iyadoo xilkaas u magacowday Korneyl Cabdullaahi Cismaan Jimcaale, taasoo qayb ka ah isbeddello ballaaran oo lagu sameynayo hoggaanka hay’adaha amniga.

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in tallaabadan ay ku soo beegantay xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay dib-u-habeyn lagu sameynayo saraakiisha amniga, kuwaas oo lagu eedeeyay inay muujiyeen daacadnimo la’aan intii lagu jiray xiisadihii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Aadan Jeelle lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay fulinta amarro ciidan oo la xiriiray howl-gallo dhacay horraantii bishan June. Waxaa la sheegay in 4-tii June uu diiday inuu ka qeyb qaato howlgal lagu bartilmaameedsanayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo taa beddelkeeda ciidamadiisa geeyay garoonka Qoob-dooro.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in taliyihii xilka laga qaaday uu ka biyo diiday amarro la xiriiray daba-galka kooxo hubeysan oo lala xiriirinayay Cabdullaahi Maxamed Nuur, kuwaas oo ciidamada dowladda ay ku raad-joogeen dhanka degmada Cadale.

Inkastoo wararkaasi si weyn loo hadal hayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya wali ma aysan soo saarin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababaha xilka qaadista, marka laga reebo xaqiijinta isbeddelka lagu sameeyay hoggaanka Guutada 23-aad ee Booliska Militariga.

Isbeddelkan ayaa imanaya xilli ay socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameyn ku leh magaalada Muqdisho, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee dowladda ka qaadi doonto hay’adaha amniga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *