LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliyihii CID-da Hirshabeelle oo 6 maalmood ku xiran Muqdisho – Maxaa lagu heystaa?

Dhamme Mukhtaar Dhicisow Xasan, oo ahaa Taliyaha CID-da Hirshabeelle, ayaa wali ku xiran xarunta CID-da Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalintii lixaad ee uu xabsiga ku jiro.

Sida xogaha la helayo ay sheegayaan, Mukhtaar Dhicisow ayaa la qabtay intii lagu guda jiray iska horimaadyadii ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamada mucaaradka ee Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaa lagu eedeeyay inuu gaari booliis oo kamid ah gaadiidka Hirshabeelle u adeegsaday sidii hub loogu gaarsiin lahaa ciidamo taageersanaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in aan wali si rasmi ah loo shaacin dacwadda ama go’aanka laga gaarayo taliyaha, iyadoo arrintan ay dhalisay hadal-heyn siyaasadeed iyo mid amni oo ku saabsan doorka saraakiisha ciidamada ee khilaafaadka siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhamme Mukhtaar Dhicisow Xasan ayaa sidoo kale ah walaalka ka yar Taliyaha Guud ee Booliiska Hirshabeelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, taas oo sii kordhisay indhaha lagu hayo kiiskan.

Dowladda federaalka ayaa dhawaanahan waday xarig iyo shaqo ka joojin lagu sameynayay saraakiil la runeysanyahay in looga shakiyay inay xiriir dhow la leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah iyadoo qaar kamida saraakiisha xilalkii laga qaaday laguna bedelay kuwo kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *