Dowladda Soomaaliya Oo Digniin Adag U Dirtay Israa’iil

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu qorsheynayo inuu xiriir la sameeyo maamul-goboleedyada Soomaaliya isagoo aan kala tashan Dowladda Federaalka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay si toos ah uga hor imaaneyso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.
Wasaaraddu waxay caddeysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharciyan awood u leh metelaadda dalka iyo maareynta xiriirrada caalamiga ah, iyadoo ka digtay in xiriir kasta oo lala yeesho maamul-goboleedyo si ka baxsan dowladda dhexe uu noqon karo mid aan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah iyo kan gudaha.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dalalka iyo saaxiibbada caalamka inay ixtiraamaan madax-bannaanida dalka, kana fogaadaan tallaabooyin dhaawici kara midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci, diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo madaxbannaanida qaranka, iyadoo xustay in aysan aqbali doonin wax kasta oo halis gelinaya danaha iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.










