LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal Beeleed Maalintii Labaad Ka Socda Jalalaqsi & Wararkii Ugu Dambeeyay

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa gashay maalintii labaad oo xiriir ah oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada dega, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha iyo barakaca shacabka ay sii kordhaan.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, xiisadda ayaa ka dhalatay dhacdooyin la xiriira eedeymo kufsi oo dhex maray xubno ka kala tirsan labada beelood. Wararka ayaa tilmaamaya in gabadh yar lagu kufsaday magaalada Talaadadii, taasoo dhalisay caro iyo muran xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada.

Maalintii Arbacada ayaa la soo sheegay in saddex dhallinyaro ah ay weerar aargoosi ah ku qaadeen gabar kale oo ka tirsan beesha kale, arrintaas oo sii hurisay colaadda isla markaana keentay in xaaladdu isu beddesho iska horimaad hubeysan.

Dagaallada ayaa ka qarxay qaybo kala duwan oo degmada ka tirsan, iyadoo rasaas goos-goos ah iyo iska horimaadyo xooggan ay weli ka dhacayaan deegaannada qaar. Dad badan oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka qaxeen guryahooda cabsi ay ka qabaan in colaadda sii fido.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalladu sababeen dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo madax-bannaan oo xaqiijisay khasaaraha.

Odayaasha dhaqanka iyo maamulka deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu kala dhexgalo dhinacyada dagaallamaya, si loo xakameeyo colaadda loogana hortago inay ku faafto deegaano kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *