Somaliland Oo Ka Hadashay Hanjabaadaha Xuutiyiinta Iyo Saldhigyada Milatari Ee Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in Israa’iil ay saldhigyo milatari ka samaysatay gudaha Somaliland, isagoo sheegay in aysan jirin wax joogitaan ciidan oo Israa’iili ah oo ka jira deegaannada Somaliland.
Wareysi uu bixiyay ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Somaliland aysan martigelin xarumo ama saldhigyo militari oo Israa’iil leedahay, wuxuuna meesha ka saaray wararka la xiriira in dhulka Somaliland loo adeegsanayo dano militari oo shisheeye.
Markii la weydiiyay suurtagalnimada weerarro kaga yimaada kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, ayuu sheegay in Somaliland aysan doonayn iska horimaad ama colaad ay la gasho cid kasta.
“Cadow kuma nihin cidna,” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo intaas ku daray in Somaliland ay difaaci doonto ammaankeeda haddii lagu soo qaado weerar kasta.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan hadal-heynta ku saabsan in Israa’iil ay saldhigyo milatari ka sameysatay deegaanada Somaliland gaar ahaan magaalada Berbera kuwaas oo ay dooneyso inay uga hortagto ama ka weerarto kooxda Xuutiyiinta oo si weyn ugasoo horjeeda weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta iyo Iran.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa marar badan ku celceliyay in xiriirrada iyo wada-shaqeynta ay la sameeyaan dhinacyada caalamiga ah ay ujeeddadoodu tahay horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo danaha shacabka, isla markaana aysan ku wajahnayn dalal ama kooxo gaar ah.









