LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Ra’iisul Wasaare Xamse oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur waxaa kusoo dhoweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, iyada oo sidoo kale ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujisay iskaashi iyo isfaham u dhexeeya dowladda federaalka, maamulka Galmudug iyo hay’adaha amniga, iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga iyo habsami u socodka safarka.








