LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Villa Somalia oo musharax lama filaan ah u rabta kursiga guddoomiyaha Baarlamaanka

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay bilowday dadaallo siyaasadeed oo xooggan oo lagu taageerayo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Jaamac “Madaxaa Nafuran”, si uu u qabto hoggaanka Golaha Shacabka oo waqtigiisu sii dhammaanayo.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii lasoo dhaafay xiriirro la yeeshay qaar kamid ah xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee danaynaya kursigan, iyadoo la rumeysan yahay in Villa Somalia ay si cad u muujisay taageeradeeda musharraxan maalmihii u dambeeyey.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in magaca Cabdulqaadir Jaamac lagu wargeliyey guddoonka KMG ah iyo mas’uuliyiin kale oo ku lug leh arrimaha Golaha Shacabka, taasoo muujinaysa in madaxtooyadu si rasmi ah u doonayso inuu qabto jagadan muhiimka ah.

Cabdulqaadir Jaamac ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa siyaasiyiinta ugu firfircoon ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, isagoo tan iyo sanadkii 2021 si joogto ah uga tirsanaa Golaha Wasiirrada. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in saameyntiisa sii kordheysa ay qayb ka tahay taageero uu ka helo dhinacyo dibadeed iyo gudaha dalka.

Dhanka kale, siyaasiyiin iyo waxgarad ku sugan Baydhabo ayaa u arka in kor u qaadista Cabdulqaadir Jaamac ay dan siyaasadeed ugu jirto deegaanka, maadaama gobolka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, isla markaana ay rumeysan yihiin inuu matali karo danahooda haddii uu gaaro jagada la qorsheynayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *