LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Qarax Ka Dhacay Gobolka Baay, Sarkaal Sare iyo Askar Kale oo Ku Dhaawacmay

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nuurow iyo askar kale ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay waddada isku xirta deegaannada Ceeldoon iyo Baydhabo ee gobolka Baay, sida ay sheegeen ilo amni.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen ku dhowaad 10 askari oo ku safrayay waddadaasi, taas oo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ay isticmaalaan ciidamada iyo shacabka ku nool koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ilo amni ayaa sheegay in Sarkaalka lagu magacaabo Nuurow uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, halka askar kale oo la socotayna ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in jugta qaraxa laga maqlay deegaanno u dhow goobta, waxaana daqiiqado kadib halkaasi gaaray ciidamo dowladda federaalka oo bilaabay gurmad iyo baaritaanno.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo faahfaahinaya tirada rasmiga ah ee dhaawacyada iyo xaaladda guud ee askarta ku waxyeelloobay qaraxa.

Qaraxan ayaa mar kale muujinaya khatarta amni ee weli ka jirta waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Baay, halkaas oo ciidamada dowladda ay si joogto ah uga fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *