DEG-DEG: Booliiska Muqdisho oo Gacanta ku Dhigay Haweeney Lagu Eedeeyay Muuqaallo Anshax-xumo ah

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa gacanta ku dhigay haweeney lagu magacaabo Hibo Xuseen Wardheere, oo lagu eedeeyay inay barta TikTok ku baahisay muuqaallo ay booliisku sheegeen inay ka hor imanayaan dhaqanka suubban ee Islaamka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliiska, eedaysanadda ayaa haatan ku jirta gacanta ciidamada, waxaana ku socda baaritaan hordhac ah. Booliisku wuxuu sheegay in marka baaritaanka la soo gabagabeeyo loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Booliiska Caasimadda ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadaan howlgallo lagu bartilmaameedsanayo falalka ay ku tilmaameen kuwo lid ku ah anshaxa guud, dhaqanka suubban ee Islaamka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.
Gabadha ay gacanta ku dhigeen ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa caan ka ah barta TikTok, iyadoo lagu eedeeyay faafinta muuqaallada anshax-xumada ah, iyadoo soo qabashada eedeysanaha ay qeyb ka tahay howlgallo muddooyinkaan ay wadeen Booliiska Soomaaliya oo lagu bartilmaameedsanayo dhallinyarada muuqaalada anshax xumada ah ku faafiyo baraha Bulshada.










