LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sacuudiga oo Dil Toogasho ah ku Fuliyay 3 Muwaadin oo Soomaali ah

Sacuu­diga Carabiya ayaa Axaddii fuliyeay xukun dil ah oo lagu toogtay saddex muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii lagu helay dambi ah inay dalkaasi ku soo geliyeen maandooriyaha nooca xashiishka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

War-saxaafadeed ay faafisay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee SPA ayaa lagu sheegay in ragga la dilay lagu kala magacaabi jiray: Ahmed Adan Abdi Ibrahim, Ahmed Mahmoud Ismail Abdirahman, iyo Mahmoud Abdirahman Ibrahim Hassan.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in saddexda nin la qabtay kadib hawlgal amni oo lagu ogaaday shabakadda tahriibinta daroogada, waxaana kiiskooda loo gudbiyay maxkamad awood leh oo ku xukuntay dil toogasho ah. Xukunkaas ayaa markii dambe ay ansixiyeen Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare, ka hor inta aan la helin amar boqortooyo oo lagu fuliyay.

Dilalka ayaa ka dhacay gobolka Najran ee koonfurta Sacuudiga.

Qoysaska qaar ka mid ah dadka la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in raggan ay markii hore u safreen Sacuudiga iyaga oo ka yimid dhanka Yemen, isla markaana lagu khiyaaneeyay inay qaadaan daroogo.

Sacuu­diga ayaa sii wada olole adag oo ka dhan ah ka ganacsiga daroogada, iyadoo si joogto ah u fulisa xukunnada dilka ee kiisaska noocan ah.

Sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International, Sacuudiga ayaa sanadkan ilaa bishii June fuliyay ku dhowaad 100 xukun dil ah, kuwaas oo in badan oo ka mid ah la xiriireen dambiyada daroogada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *