Dagaal culus oo ka socda magaalada Baydhabo kadib markii ciidamada Lafatagareen ay…

Dagaal xoogan ayaa weli ka socda magaalada Baydhabo, halkaas oo laba habeen oo isku xigta ay iska hor-imaadyo culus ku dhex marayaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ay taageerto dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Sida ay xaqiijinayaan dad deegaanka ah iyo ilo dhanka amniga ah, dagaalka ayaa dib u qarxay habeenkii xalay, wuxuuna socday ilaa saaka, iyadoo la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo ka dhacayay qaybo kala duwan oo magaalada ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladdu aad u kacsan tahay, islamarkaana rasaas joogto ah laga maqlayay xaafado kala duwan, taas oo keentay in dadka shacabka ah ay guryahooda ku ekaadaan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay adeegsadeen hub culus, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka.
Ilo amni ayaa sheegay in dagaalka uu saameeyay meelo istaraatiiji ah oo magaalada ka tirsan, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada is haya.
Odayaasha deegaanka iyo waxgaradka Baydhabo ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada dagaalka, iyagoo ka digay in xaaladdu ay isu beddeli karto barakac iyo dhibaato bani’aadamnimo haddii aan si degdeg ah loo joojin.
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii ballaarto saacadaha soo socda.









