Maxkamadda Sare oo Xukun Culus ku Ridday Horjooge Sare oo Al-Shabaab ka Tirsanaa

Horjooge Idiris Maxamed Sh. Maxamed ( Cabaas, Abuu Maxamed) ayaa lagu eedeeyey kamid ahaanshiyaha argagixisada & inuu qeyb ka ahaa Shirqoolo loo maleegay Umaddaan Muslimka ah ee Soomaaliyeed, tan iyo soo ifbixii Khawaarijta oo uu kasoo noqday Horjoogaha Degmooyinka Diinsoor, Berdaale, Baydhabo iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu Xubin ka ahaa Golaha Shuurada ee Argagixisada.
Hay’addaha Amniga Soomaaliya oo la socday Dhaq-dhaqaaqyada Idiris, ayaa u soo gacan galay, xilli uu isaga gudbi rabay Gobolada dhexe iyo Koonfurta dalka, waxaana laga soo qabtay Deeganka Mareer-guur ee Hoostaga Degmadda Dhuusa-mareeb, Labaatan iyo Sideedii bishii July 2024.
Baaris dheer ka dib, Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday Qaadista kiiskaan.
Afartii Bishii December 2025 Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada QS, ayaa ku xukuntay Idiris Maxamed Sh Maxamed 15 sano oo xabsi argagixiso ah.
Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada, ayaa ka qaatay racfaan Xukunkii lagu riday Horjooge Idiris
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo dhageysatay Kiiska Idiris, fursad simana siisay dhinacyada dacwada, ayaa ugu dambeyn Go’aan ka soo saartay Kiiskaan, iyaddoo Horjooge Idirs Maxamed Sh Maxamed (Cabaas, Abuu Maxamed ) lagu xukumay Xabsi Daa’in (Cimrigaa haku furto).
Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddoomiyaha Maxakamdda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.









