LATEST NEWSLOCAL NEWS

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Somalia oo war lama filaan ah kasoo saaray tarxiilkii ay Kenya ku Sameysay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay masaafurintii dhawaan looga soo celiyay dalka Kenya, isagoo si cad u beeniyay eedeymihii ay dowladda Kenya u jeedisay ee la xiriiray arrimo amni.

Mas’uulka ayaa sheegay in dhammaan eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aysan jirin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan waligiis ku lug yeelan falal wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida ama xasilloonida dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhanka kale, ilo madax-bannaan oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa ku adkeysanaya in dhacdada ay Kenya sabab uga dhigtay masaafurinta ay dhab ahaantii dhacday. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sidoo kale qaba in hadalka cusub ee Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka uu yahay dadaal lagu xakameynayo cadaadiska iyo su’aalaha isa soo taraya ee ka dhashay muranka ku xeeran masaafurintiisa.

Arrintan ayaa weli dhalinaysa dood xooggan oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aan ilaa hadda labada dhinac si wadajir ah uga soo saarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee masaafurinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *