Sweden oo dardar galisay tarxiilka dadka Soomaalida ah iyo tirada lasoo tarxiilay

Dowladda Iswiidhan ayaa ku dhawaaqday inay sii waddo isla markaana kordhinayso taageerada ay ku bixiso dib u celinta dadka lagu xukumay masaafurinta ee loo dirayo Soomaaliya, inkastoo barnaamijkan uu wajahayo dhaleeceyn.
Wasiirka Socdaalka ee Iswiidhan, Johan Forssell, ayaa sheegay in iskaashiga dowladda Soomaaliya uu horseeday koror weyn oo ku yimid tirada dembiilayaasha la masaafuriyey.
“Waxaan aragnay in tirada dadka dambiyada lagu helay ee aan u suurtagelinay inaan u masaafurinno Soomaaliya ay shan jibaar korortay,” ayuu yiri wasiirku.
Tan iyo markii iskaashigan la bilaabay laba sano iyo bar ka hor, Iswiidhan waxay Soomaaliya u masaafurisay 45 qof oo dambiyo lagu helay, halka muddadii u dhexeysay 2014 illaa 2022 la masaafuriyey oo keliya 9 qof. Booliska Iswiidhan ayaa sidoo kale hadda gacanta ku haya 55 kiis oo furan, kuwaas oo la xiriira dad lagu xukumay in dalka laga masaafuriyo.
Taageerada oo gaareysa 5 milyan oo karoon sanadkii ayaa loo sii mariyaa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), waxaana maamula koox isku-duwid ah oo hoos tagta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa baaritaan kala kulmay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Iswiidhan (KU), kadib eedeymo la xiriiray in lacago lagu bixiyay adeegyo aan jirin oo lagu sheegay inay ka dhaceen xafiis dowladeed oo Soomaaliya ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Johan Forssell ayaa sheegay in aan la helin wax caddeyn ah oo muujinaysa musuqmaasuq, taasoo sababtay in dowladda Iswiidhan ay go’aansato inay sii waddo taageerada mashruucan.









