LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Dhawaaqay Wajigii Ugu Dambeeyay Dagaal Lagu Soo Afjarayo Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad adag oo taariikhi ah ka jeediyay munaasabaddii xiritaanka Toddobaadka Xorriyadda, isagoo shaaciyay qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaana farriimo culus u diray Somaliland, Israel iyo siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshaha ugu dambeeya ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, isagoo ballan-qaaday in qorshahaasi si rasmi ah loogu soo bandhigi doono shacabka marka la dhameystiro. Wuxuu mar kale ugu baaqay xubnaha Al-Shabaab inay hubka dhigaan, kana faa’iideystaan cafiska dowladda.

Dhanka Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay wada-hadal, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinka jira, isla markaana ay xal u raadiso, balse wuxuu caddeeyay in kala-go’a Soomaaliya uusan ahayn xal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad u sheegay in Soomaaliya aysan wax xiriir ah la yeelan doonin Israel, isla markaana aysan jiri doonin meel ay Israel kaga yeelato Soomaaliya.

Khudbaddiisa ayuu sidoo kale ku shaaciyay in Soomaaliya ay u gudbeyso siyaasad ku dhisan axsaab iyo doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in xilligii siyaasadda ku dhisnayd shakhsiyaadka iyo qabyaaladdu uu dhammaaday, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay markii ugu horreysay muddo 58 sano ah si toos ah u dooran doonaan hoggaankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale difaacay waxqabadka dowladda ee dhinaca waxbarashada, isagoo sheegay in kumannaan macallimiin ah la shaqaaleysiiyay, isla markaana maamulka Puntland uu hor istaagay qorista 700 macallin iyo dhismaha xarun lagu tababaro macallimiinta. Wuxuu sidoo kale beeniyay eedeymaha ku saabsan ciidamo cusub oo loo diray Puntland, isagoo sheegay in ciidamadaasi ay muddo toddobo bilood ah halkaas ka howlgalayeen, kana tirsan yihiin Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka Toddobaadka Xorriyadda waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, madaxda labada Aqal ee Baarlamaanka, masuuliyiin sare oo dowladda ka tirsan, maamulka Gobolka Banaadir iyo kumannaan shacab ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *