LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan oo Ku Guuleystay Kursigii uu baneeyay Aadan Madoobe

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga HOP#189 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo bannaanaaday kaddib markii uu kursiga baneeyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan iyo Fardoosa Cali Axmed. Inkastoo Fardoosa Cali Axmed ay ku dhawaaqday inay u tanaasushay musharraxa ay la tartamaysay ka hor codbixinta, haddana doorashada ayaa loo maray habka gacan-taagga.

Natiijada codbixinta ayaa muujisay in Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan uu helay 96 cod, halka Fardoosa Cali Axmed ay heshay 5 cod.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan uu ku guuleystay kursiga HOP#189 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *