LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo Diiday inuu Sii Maalgeliyo Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Guddiga Midowga Afrika inay joojin doonto taageerada ay siiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado muddo-xileedka Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM 31-ka Diseembar 2026.

Go’aankan ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda Washington ee ku aaddan taageerada amniga Soomaaliya, iyadoo Mareykanku sheegay inuusan ka hor imaanayn kordhinta howlgalka AUSSOM, balse uusan sii maalgelin doonin UNSOS iyo taageerooyinka kale ee hawlgallada Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa sheegay in go’aankan uu salka ku hayo qiimeyn muujinaysa in Soomaaliya aysan weli sameyn horumar ku filan oo dhanka dib-u-habaynta ciidamada iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, inkastoo ay heshay taageero caalami ah muddo ka badan toban sano.

Sidoo kale, Washington waxay tilmaantay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ay wiiqayaan dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin wax war rasmi ah oo ku saabsan mowqifka cusub ee Mareykanka.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in ay weli socdaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah, kuwaas oo lagu gorfeynayo qaabka cusub ee taageerada amniga iyo saadka dalka kadib marka uu soo idlaado howlgalka AUSSOM.

Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin wax war rasmi ah oo ku saabsan mowqifka cusub ee Mareykanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *