Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa midowga Afrika oo fashilyay weerar ismiidaamin ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garabsanaya Ciidanka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM), ayaa la sheegay inay fashiliyeen weerar culus oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Golweyn, oo hoos taga Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku billowday qarax ismiidaamin ah, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamada ay si adag uga hortageen weerarka, isla markaana ay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyagoo sidoo kale fashiliyay gaarigii ismiidaaminta ahaa oo ay goobta ku gubeen.
Ma aysan shaacin tirada rasmiga oo Al-Shabaab ay kaga dileen weerarka ay kusoo qaadeen saldhigga Ciidamada Xoogga dalka iyo midowga afrika gaar ahaan ciidamada ka socda dalka Uganda.
Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse weli ma jiraan warar madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Golweyn iyo deegaannada ku dhow Buulo Mareer ayaa muddooyinkii dambe ka mid ahaa goobaha ay marar badan ka dhacaan iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.









