Al-Shabaab oo Habeenkii Lagu Arkay Duleedka Muqdisho & Cabsi Soo Wajahday Dadka Deegaanka

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii lagu arkay deegaannada Macaane iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo amni darro oo cabsi xooggan ku abuuray shacabka.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, maleeshiyaadka ayaa habeenkii si dhuumaaleysi ah u soo gala deegaannada, iyagoo sameeya roondooyin isla markaana dadka qaar weydiiya xog la xiriirta ciidamada dowladda iyo dadka lala xiriiriyo hay’adaha amniga.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka mararka qaar lagu arko iyagoo wata gaari nooca Noah ah oo ku dhex maraya xaafadaha, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amniga.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigyada deegaanka ay inta badan dib ugu laabtaan fariisimahooda, iyadoo dadka deegaanka ay ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen sugidda amniga iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee habeenkii ka dhaca deegaannadaas.
Xaafadda Al-Nasri ee Ceelasha Biyaha waxaa ku yaalla saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in aan la arkin howlgallo muuqda oo lagu xakameynayo ama looga hortagayo maleeshiyaadka soo gala deegaanka.









