LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Dab Xooggan oo Ka Kacay Kaalin Shidaal oo ku Taalla Boosaaso

Dab xooggan ayaa ka kacay kaalin shidaal oo lagu magacaabo Opec Fuel Station, taas oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso, kana soo horjeedda xaruntii hore ee Nationlink, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabku uu si xawli ah ugu fiday saldhigga shidaalka, iyadoo ciidamada gurmadka degdegga ah ay wali ku howlan yihiin daminta dabka oo weli si buuxda loo xakameyn.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan hal qof oo rayid ah uu ku dhaawacmay shilka, hase yeeshee lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha guud ama waxa sababay dabka.

Mas’uuliyiinta ayaa weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah la bixiyo marka ay soo idlaadaan howlaha gurmadka iyo baaritaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *