Author: Banaadir24

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku hubeyneyso ciidamo beeleedyo. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali Jifo jabsade oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay muhiim tahay ilaalinta Dastuurka islamarkaana wax kabadal walba oo lagu sameeynaayo in loo maro wadatashi qaran oo loo dhanyahay si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale ku eedeeyay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu Puntland ku hubeeyay ciidamo beeleedyo si loo burburiyo islamarkaana uu Puntland ka jartay mashaariicdii hormarineed ee caalamku ku taageerayay Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay…

Read More

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa muujiyay walaac sii kordhaya oo ku saabsan suurtagalnimada in dhulkooda uu noqdo bartilmaameed ay weerarro ka geystaan kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo ay sii xoogaysanayaan xiisadaha dagaal ee gobolka, sida ay werisay warbaahinta dowladda Israa’iil. Warbixin uu baahiyay telefishinka Israa’iil ee Kan ayaa sheegtay in walaacaasi uu sii kordhay kaddib markii Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ka baqaya in dowladda Soomaaliya ay isku daydo inay ku dhiirrigeliso Xuutiyiinta inay weerarro ka fuliyaan Somaliland, taasoo qayb ka noqon karta loollanka ballaaran ee ka dhashay khilaafka u dhexeeya xulafada gobolka…

Read More

Waqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday inay taageerayso magacaabista Mojtaba Khamenei oo loo doortay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iran, iyadoo sidoo kale si adag u cambaareysay weerarrada militari ee ay Iran ku qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil.  Warbaahinta dowladda ee Korean Central News Agency (KCNA) ayaa Arbacadii soo xigatay afhayeen ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga Kuuriya oo sheegay in Pyongyang ay ixtiraamayso go’aanka ay shacabka Iran ku doorteen hoggaamiyahooda cusub.  Afhayeenka ayaa sheegay in doorashada Mojtaba Khamenei ay tahay go’aan ay gaareen hay’adaha sharci-dejinta ee Iran, isla markaana Waqooyiga Kuuriya ay ixtiraamayso xaqa ay dadka reer Iran u leeyihiin inay…

Read More

Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka hoggaamiyihii sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa loo doortay inuu noqdo beddelka aabbihii kaddib markii lagu dilay duqeymo ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil, sida lagu dhawaaqay. Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa si weyn uga duwan aabbihii marka la eego muuqaalka siyaasadeed ee dadweynaha. Muddo dheer ayuu si hoose ugu jiray siyaasadda, isaga oo aan waligiis qaban xil dowladeed, mana uu bixin khudbado dadweyne ama wareysiyo warbaahineed. Sawirro iyo muuqaallo kooban oo isaga laga qaaday ayaa keliya la shaaciyey sannadihii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, sanado badan waxaa jiray warar sheegaya…

Read More

Warar goor dhow aan helay ayaa waxay sheegayaan in duqeymo culus caawa lagu garaacay kooxda Al-Shabaab. Duqeymahaan oo ah kuwo ka xoog badan kuwii horey u dhici jiray ayaa waxay ka dheceen shan goobood oo kala duwan waxana gooobaha ay ka kala dheceen kamida deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo lagu duqeeyay xarun ay AlShabaab ku sameyn jirtay qaraxyada. Duqeymo kale ayaa waxay ka dheceen Dagmada Kuntuwaareey oo Ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo la sheegay in lagu duqeeyay goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano Shabaab oo qorsheynayay inay weeraro ka geystaan qeybo Kamid ah magaalada Muqdisho iyo…

Read More

Xildhibaan ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa ka digay in dhaq-dhaqaaqyada ciidan are sii kordhaya ee ka socda magaalada Muqdisho ay muujinayaan diyaar-garow suurtagal ah oo loogu jiro iska horimaad siyaasadeed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in la sameeyay cutubyo cusub oo Kamid ah ciidamada ammaanka oo la sheegay inay la shaqeeyaan madaxtooyada, kuwaas oo la dhigay isgoysyada muhiimka ah ee magaalada iyo goobaha ay inta badan ku kulmaan mucaaradku. Sidoo kale wuxuu xusay in ciidamadii hore ee ka shaqaynayay sugidda amniga caasimadda qaarkood dib loogu diray meelo ka baxsan Muqdisho. “Arrimahani waxay…

Read More

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray madaxweynayaashii hore ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayay labada masuul uga wada hadleen xaaladda uu iminka dalku marayo oo ah mid cakiran iyo sidii xal loogu helaa. Qodobada looga hadlay Kulanka ayaa waxaa kamid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay gaar ahaan tallabadii uu dhawaan ku dhaqaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee uu ku ansixiyay dastuur aanan lagu wada heshiinin dhammeystirkiisa, kaasoo xaaladda dalka meel adag istaajiyay. Waxay isku raaceen sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda iminka taagan iyo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, ayaa lagu wadaa inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada xukuumadda Somaliland. Warar hoose oo aan ka helnay Ilo xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in madaxweyne Cirro uu iminka soo gabagabeeyay wadatashiyo ku aadan isku shaandheynta uu doonayo inuu ku sameeyo Golihiisa Wasiirrada. Isku shaandheynta uu sameynayo madaxweynaha ayay wararku sheegayaan in qaar kamida golihiisa wasiirada ay xilalkooda ku waayi doonaan iyadoo taasi uu madaxweyne Cirro u sababeeyay in qaar kamida Golihiisa wasiirada aysan lahayn wax saameyn marka la eego gudaha Somaliland iyo dibaddaba. Xubnahaas aanan saameynta lahayn ayay wararku sheegayaan in gabi ahaanba…

Read More

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo quwadaha kale ee Mareykanka iyo Israa’iil ayaa la sheegay inuu ku qasbay Israa’iil inay dib uga fiirsato qorsheyaasheeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in isbahaysi ay sameynayaan dalalka Khaliijka sida Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Qatar si ay uga hortagaan Iran kaasoo cadaadis weyn saari karo Israel, oo laga yaabo inay ku khasabto Ra’iisul Wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu inuu joojiyo ama dib uga laabto aqoonsigii uu siiyay Somaliland bishii Diseembar sanadkii tagay ee 2025. Madaxweyne Cirro oo sheegay in Macdanta Somaliland uu Israa’iil ku wareejinayo Haddii arrintan ay dhacdo, waxaa suuragal ah in…

Read More

Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Brooklyn ayaa ku heshay dambi nin u dhashay Pakistan oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay dilal lala beegsanayo siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah. Ninkan oo lagu magacaabo Asif Merchant, 47 jir ah, ayaa lagu helay inuu kiraystay qof dilal fulin kara (hitman) oo ku sugan magaalada New York si uu u dilo mas’uuliyiin caan ah oo Mareykan ah, isla markaana uu bartilmaameedsaday madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sannadkii 2024. Kadib dacwad socotay toddobaad oo ka dhacday Brooklyn, xeer-beegti federaal ah ayaa ku xukuntay Merchant dambiyada ay ka mid yihiin “dil la kiraystay” iyo…

Read More