Duqeymihii ugu cuslaa oo caawa lagu beegsaday Al-Shabaab& Madax sare oo lagu bartilmaameedaaday

Warar goor dhow aan helay ayaa waxay sheegayaan in duqeymo culus caawa lagu garaacay kooxda Al-Shabaab.
Duqeymahaan oo ah kuwo ka xoog badan kuwii horey u dhici jiray ayaa waxay ka dheceen shan goobood oo kala duwan waxana gooobaha ay ka kala dheceen kamida deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo lagu duqeeyay xarun ay AlShabaab ku sameyn jirtay qaraxyada.
Duqeymo kale ayaa waxay ka dheceen Dagmada Kuntuwaareey oo Ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo la sheegay in lagu duqeeyay goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano Shabaab oo qorsheynayay inay weeraro ka geystaan qeybo Kamid ah magaalada Muqdisho iyo qaar kamida gobollada u dhow dhow.
Duqeyn ka dhacday deegaanka Xaramka oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ka dhacay duqeyn la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xubno ajaaniib ah oo ka tirsan Alshabaab.
Gaari ay saarnaayeen madax sare oo ka tirsan Alshabaab ayaa lagu duqeeyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, howlgalkaas oo ahaa mid lasoo qorsheeyay ayaa xubnaha lagu beegsaday waxaa kamid ah rag lagu kala magacaabo Abuu Muxsin, Abuu Barak, Muuse Boorow, Dahir Carab iyo Shuceyb Axmed oo dhammaantood kamid madaxda Alshabaab sida aan xogta ku helnay.
Dowladda federaalka ayaa la filayaa inay war rasmi ah kasoo saarto duqeymahaan isdaba joogaa ahaa ee caawa lagu beegsaday Al-Shabaab.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Banaadir24 Online.









