Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si degdeg ah uga soo laabtay Boqortooyada Sacuudi Carabiya saaka aroortii hore, isagoo soo gaabiyay safar uu halkaas ugu maqnaa gudashada Cumrada, si uu ugu laabto magaalada Baydhaba. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Laftagareen uu ka ambabaxay Sacuudiga abaare 5:00 subaxnimo, isla markaana uu soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka hor inta uusan u sii gudbin Baydhabo. Waxaa la filayaa inuu maanta halkaas ku qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed. Soo laabashadiisa degdegga ah ayaa kusoo beegmeysa xilli amar…
Waxaa shalay galab ku geeriyooday magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland wasiirkii hore ee amniga Maamulka Puntland. Allaha u naxariistee geerida wasiirkii hore ee Puntland Xasan Cismaan Aloore, ayaa waxaa xaqijiiyay qaar kamida ehelladiisa. Xasan Cismaan Aloore, ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkaan dambe uu ku xanuunsanayay magaalada Garoowe. Xasan Aloore ayaa wasiirka amniga iyo agaasimaha hay’adda macdanta ka soo noqday dowladihii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cadde Muuse, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo shacabka Puntland oo marxuumka ilaahay uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisana Samir iyo iimaan ka siiyo.
Sources say the presidency at Villa Somalia is considering a series of political steps amid an apparent rift with the president of South West State, Abdiasis Hassan Mohamed (Laftagareen). Officials familiar with the discussions say several figures within the Federal Government of Somalia, some believed to be politically opposed to Laftagareen, have been informed of directives that could be implemented in the coming days. Among the measures reportedly under consideration is the transfer of customs control in the town of Afgooye to the federal government, a move sources say could affect revenue streams linked to the regional capital, Baidoa. Sources…
Degaan fog oo ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya oo lagu magacaabo Milxo ayaa isu beddelay xarun si xawli ah u koraysa oo lagu qodo dahabka, iyadoo hawlaha macdantaasi ay inta badan ka socdaan meel aan si rasmi ah loo nidaamin ama loo kormeerin. Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Global Initiative against Transnational Organised Crime (GI-TOC). Warbixintu waxay tilmaamaysaa in tobankii sano ee la soo dhaafay Milxo ay ka kortay tuulo yar oo dhismayaal kooban leh oo ay ku noolaayeen dhowr boqol oo qof sannadkii 2016, una gudubtay degsiimo ballaaran oo ay hadda ku nool yihiin inta…
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Horumarinta iyo Arrimaha Beni’aadannimada, Mr. George Conway. Kulanka labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha abaareed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka nugul ee ay saameeyeen abaaruhu. Kulanka kadib, labada dhinac ayaa qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaas oo ay kaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee abaaraha dalka iyo…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka West Virginia ee ddalka Mareeykanka kaas oo la xiriira iskaashi ku saabsan horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in iskaashigan uu diiradda saarayo dhinacyada sahaminta macdanta, horumarinta tiknoolajiyada la xiriirta khayraadka dabiiciga ah iyo kobcinta aqoonta farsamo ee arrimaha macdanta. Sidoo kale wuxuu xusay in qaraarku uu furi karo albaab cusub oo maalgashi iyo iskaashi caalami ah, taas oo gacan ka geysan karta kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka…
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 22 dhagarqabe oo ku howlanaa abaabulka isku dayo lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed. Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, waxaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta. Weerarka Dumaaye waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogeyaasha kala ah: Xudeyfa Galinle (gacanyarihii Wakiilka Mudug), Qataatow (madaxii hore ee maleeshiyaadka…
Maxkamad ku taalla gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka ayaa Jimcihii si ku-meelgaar ah u hakisay qorshe lagu joojin lahaa Temporary Protected Status (TPS) ee muhaajiriinta ka soo jeeda Soomaaliya. Garsooraha Maxkamadda Federaalka, Allison D. Burroughs, ayaa go’aankeeda ku sheegtay in ay jiri doonaan “cawaaqib culus” haddii aqoonsiga TPS ee Soomaaliya la joojiyo sida loo qorsheeyay Talaadada soo socota. Dacwadda degdegga ah ayaa waxaa gudbiyay kooxo u dooda xuquuqda muhaajiriinta, kuwaas oo maxkamadda ka codsaday in la hakiyo joojinta TPS, kaddib markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu bishii hore ballan qaaday inuu soo afjari doono barnaamijkaas, xilli uu adkeynayo siyaasadaha socdaalka…
Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham (MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada sahminta, soo saarista, farsamaynta iyo horumarinta macdanta muhiimka ah (Critical Minerals). Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso qaab iskaashi oo kor u qaada maalgashiga, is-weydaarsiga aqoonta farsamada, iyo horumarinta silsiladda qiimaha ee macdanta Soomaaliya. Heshiiska waxaa Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta ee XFS u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka Macdanta, Mudane Daahir Shire Maxamed, halka dhinaca Gobolka West Virginia uu u saxiixay Xoghayaha Senate-ka West Virginia, Kris Warner. Heshiiska ayaa ka dhacay aqalka Senate-ka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulkeeda aan loo adeegsan karin meel laga fuliyo hawlgallo militari, kadib markii laba warbaahin ay sheegeen in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig militari ka dhisato Somaliland, oo si toos ah uga soo horjeeda gacanka Cadmeed ee dalka Yemen. “Soomaaliya ma rabto in dhulkeeda lagu jiido iska horimaadyo dibadeed ama loo isticmaalo siyaabo xasillooni darro gelin kara gobol horaan u nuglaa,” ayuu yiri Cali Cumar, wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, oo la hadlay Al Jazeera maalintii Khamiista. Digniinta ka timid Muqdisho ayaa timid kadib markii warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg iyo idaacadda dowladda Sweden ee Ekot…