XOG: Madaxweyne Cirro oo isku shaandheyn ku sameynaya Wasiiradiisa

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, ayaa lagu wadaa inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada xukuumadda Somaliland.
Warar hoose oo aan ka helnay Ilo xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in madaxweyne Cirro uu iminka soo gabagabeeyay wadatashiyo ku aadan isku shaandheynta uu doonayo inuu ku sameeyo Golihiisa Wasiirrada.
Isku shaandheynta uu sameynayo madaxweynaha ayay wararku sheegayaan in qaar kamida golihiisa wasiirada ay xilalkooda ku waayi doonaan iyadoo taasi uu madaxweyne Cirro u sababeeyay in qaar kamida Golihiisa wasiirada aysan lahayn wax saameyn marka la eego gudaha Somaliland iyo dibaddaba.
Xubnahaas aanan saameynta lahayn ayay wararku sheegayaan in gabi ahaanba ay waayi doonaan xilalkooda gabi ahaanba iyadoo madaxweynuhu qorsheynayo inuu Golihiisa wasiirrada kusoo daro xubno cusub oo isaga u arko inay saameyn yeelan.
Shaqsiyaadka uu kusoo dari doono Golihiisa wasiirada yaa noqon doona xubno si aad ah ugu dhow madaxweyne Cirro gaar ahaan shaqaiyaad si weyn ugu soo ololeeyay intii lagu guda jiray doorashadii uu ku guuleystay.









