Author: Banaadir24

Dhaqaatiirka Caafimaadka ee Sacuudiga ayaa Malintii Khamiista ahayd si guul leh u kala soocday ama u kala Fujisay laba canug oo Somali ah laguna kala Magaca, Rahma iyo Ramla, Kadib qalliin adag oo qaatay 12 saacadood oo xiriir ah oo ka dhacay magaalada Riyadh. Qalliinka ayaa lagu qabtay Isbitaalka Gaarka ah ee Caruurta ee King Abdullah. Waxay howshu ku dhacday siddeed weji, iyadoo ka qayb qaateen 36 lataliye, takhasusleyaal iyo shaqaale farsamo oo ka kala yimid qeybaha qalliinka carruurta, neerfaha, lafaha, urology-ga, iyo qalliinka indhaha iyo maqaarka, waxaana taageeray koox gaar ah oo ka kooban kalkaaliyeyaal iyo shaqaale farsamo. Dr.…

Read More

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dastuurka kama-dambaysta ah ee dalka, kaas oo dhigaya in muddada xilka Madaxweynaha ay noqoneyso shan sano, sida ku cad qodobada cusub ee dastuurka. Arrintan waxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayn doono illaa bisha May 2027. Sidoo kale, dastuurka cusub ayaa qeexaya in muddada xilka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka ay noqoneyso shan sano. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka ay Arbacadii ansixiyeen dastuurka cusub, sida uu xalay shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Baarlamaanka 11-aad ee hadda jira ayaa markii hore…

Read More

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu maamuusayay laguna sagootinayay Kaaliyihii hore ee Amniga NISA, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda oo ka dhacday Taliska Guud ee NISA ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay qaddarinta iyo mahadcelinta ay u hayaan kaalintii muuqata ee Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar ka soo qaatay sugidda amniga qaranka intii uu xilkaasi hayay. Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad,…

Read More

Iskahorimaadka sii xoogeysanaya ee udhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa muujinaya in labada dhinac ay ku shaqeynayaan laba jadwal oo siyaasadeed oo aad u kala duwan, taas oo saameyn ku yeelan karta sida dagaalku u socdo iyo sida uu ku dhammaan karo. Maamulka madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u baahan natiijo degdeg ah oo muuqata. Guul siyaasadeed oo degdeg ah sida burburinta barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ama in Tehran lagu qasbo inay miiska wada-hadalka timaado waxay u oggolaan kartaa Trump inuu ku doodo in go’aankiisa dagaalka uu sax ahaa. Iran oo kordhisay duqeymaha ay ka wado Khaliijka; Qaraxyo laga maqlay Doha…

Read More

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in ciidamadooda badda ay saaka aroortii hore weerareen islamarkaana gantaal ku dhufteen markab shidaal oo Mareykan ah oo marayay waqooyiga Gacanka Carbeed. War ay IRGC soo saartay ayay ku sheegtay in maraakiibta milatari iyo kuwa ganacsi ee ay leeyihiin Mareykanka, Israa’iil iyo dalalka Yurub ee ay ku eedeeyeen inay taageeraan labadan dal “aan loo oggolaan doonin inay maraan” biyaha gobolka. “Haddii la arko, si hubaal ah waa la garaaci doonaa,” ayay IRGC ku tiri bayaanka. IRGC waxay sidoo kale sheegtay in horey u caddeeyeen in, “iyadoo la raacayo shuruucda iyo…

Read More

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay, isla markaana hambalyo loogu diray go’aanka taariikhiga ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Dastuurka dalka 04/03/2026, kaas oo si rasmi ah meesha uga saaray Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa. War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri“Tallaabadaan taariikhiga ah waxay ka dhigan tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, una horseedaysa xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, hufnaan iyo nidaam dowladnimo oo dhammaystiran. Hirshabeelle waxay u aragtaa ansixinta Dastuurka mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo adkeynta midnimada qaranka”. war-saxaafadeedka ayaa lagu…

Read More

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga dalka Iran ayaa ku hanjabay in Tehran ay beegsan doonto xarunta nukliyeerka ee Dimona ee ku taalla Israa’iil, haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo isbeddel maamul (regime change), sida ay werisay wakaaladda wararka ee ISNA. Sida lagu sheegay warbixinta, xarunta Dimona ayaa loo arkaa halbowlaha barnaamijka nukliyeerka ee aan si rasmi ah loo shaacin ee Israa’iil, iyadoo ku aasan saxaraha Negev. Inkastoo Israa’iil aysan si cad u qiran jiritaanka hub nukliyeer, haddana xaruntan ayaa muddo dheer ahayd mid si weyn loo hadal hayo. Hanjabaaddan ayaa imaneysa xilli xiisadda u dhexeysa…

Read More

Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay riday gantaal ballistic ah oo ku wajahnaa dhanka Turkey, kaas oo ay hawada ku qabteen nidaamyada difaaca cirka ee gaashaanbuurta NATO ee ku sugan Bariga Badda Mediterranean-ka. Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gantaalka laga soo tuuray gudaha Iran, isla markaana uu soo maray hawada dalalka Ciraaq iyo Suuriya ka hor inta uusan u jihaysan hawada Turkiga. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in nidaamyada difaaca NATO ay ku guuleysteen inay hawada ku qabtaan gantaalka, haraadigiisuna uu ku dhacay gobolka Hatay ee ku…

Read More

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa si weyn u soo dhaweysay ansixinta rasmiga ah ee Dastuurka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah maanta ku meel mariyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda  ayey ku sheegtay in ansixinta Dastuurka ay tahay guul taariikhi ah oo soo gabagabeynaysa geeddi socod dib u eegis ah oo socday in ka badan 13 sano. Mudadaas ayaa la tilmaamay in ay ka soo qayb qaateen hay’adaha dowliga ah, dowlad goboleedyada, khubaro sharci iyo dastuur, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka…

Read More

Xildhibaanada Baralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya kaddib markii labada Aqal ay muddo ka shaqeynayeen dib-u-eegista iyo sixidda qodobbada lagu muransanaa. Kulanka oo ay ka qeyb galeen mudaneyaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa lagu sheegay mid taariikhi ah, iyadoo cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay qodobbo muhiim ah oo la xiriira hannaanka dowlad-dhiska, awood-qeybsiga, iyo xoojinta nidaamka federaalka. Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in wax-ka-beddelkan uu yahay mid lagu dhammeystirayo dastuurka ku-meelgaarka ah, isla markaana uu horseedi doono hufnaan sharci iyo kala dambeyn siyaasadeed. Waxa ay sidoo kale xuseen in geeddi-socodku uu…

Read More