Xogo dheeraad ah oo laga helay kulan dhexmaray Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray madaxweynayaashii hore ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayay labada masuul uga wada hadleen xaaladda uu iminka dalku marayo oo ah mid cakiran iyo sidii xal loogu helaa.
Qodobada looga hadlay Kulanka ayaa waxaa kamid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay gaar ahaan tallabadii uu dhawaan ku dhaqaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee uu ku ansixiyay dastuur aanan lagu wada heshiinin dhammeystirkiisa, kaasoo xaaladda dalka meel adag istaajiyay.
Waxay isku raaceen sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda iminka taagan iyo sidi ay dalka uga dhici lahayd doorasho heshiis lagu wada yahay.
Kulanka madaxweynayaashii hore ayaa imaanaya iyadoo usbuucii lasoo dhaafay ay labada gole ee baarlamaanku ansixiyeen wax ka bedelka dastuurka dalka kadibna uu guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur Madoobe ku dhawaaway in baarlamaanka loo kordhiyay waqtiga islamarkaana hal sano oo dheeri ah loogu daray.
Maamullada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn ugasoo horjeestay wax ka bedelka dastuurka iyagoona ku eedeeyay xukuumadda federaalka Soomaaliya inay dalka galineyso xaalad halis ah.









