DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Nin qorsheeynayay inuu dilo Madaxweyne Donald Trump oo Dambi lagu helay

Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Brooklyn ayaa ku heshay dambi nin u dhashay Pakistan oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay dilal lala beegsanayo siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Asif Merchant, 47 jir ah, ayaa lagu helay inuu kiraystay qof dilal fulin kara (hitman) oo ku sugan magaalada New York si uu u dilo mas’uuliyiin caan ah oo Mareykan ah, isla markaana uu bartilmaameedsaday madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sannadkii 2024.

Kadib dacwad socotay toddobaad oo ka dhacday Brooklyn, xeer-beegti federaal ah ayaa ku xukuntay Merchant dambiyada ay ka mid yihiin “dil la kiraystay” iyo “isku day argagixiso oo ka gudba xuduudaha dalalka”.

Garyaqaanka u doodaya Merchant, oo wajahaya suurtagalnimada xabsi daa’in, ayaa sheegay in weli ay jiraan “arrimo sharci oo adag oo muhiim ah oo aan weli go’aan laga gaarin”.

Sida ay sheegtay waaxda Cadaaladda Mareykanka, Merchant waxa uu ahaa hawl-wadeen tababar loo siiyay oo la shaqeynayay ciidamada Kacaanka Iiraan (IRGC), waxaana lagu sheegay inuu ku sugnaa Mareykanka si uu u raadiyo dad cusub oo ururkaasi u shaqeeya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Merchant uu Mareykanka ka soo galay Pakistan bishii Abriil 2024, kadib markii uu muddo ku sugnaa Iran. Bishii Juun ee isla sanadkaas ayuu la xiriiray qof uu u maleynayay inuu ka caawin karo qorshaha dilka, balse qofkaas ayaa markii dambe arrinta u sheegay booliska.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Bariga New York ayaa sheegay in Merchant uu la kulmay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Mareykanka oo iska dhigayay hitmen, kuwaas oo ku sugnaa New York, taasoo keentay in qorshaha la fashiliyo ka hor inta uusan weerar dhicin.

Merchant ayaa la xiray bishii Luulyo 2024 ka hor inta uusan ka bixin dalka.

Intii lagu guda jiray dacwadda, Merchant ayaa qirtay in IRGC ay u dirtay Mareykanka si uu u abaabulo dilal siyaasadeed, isla markaana qofka xiriirka la lahaa ee IRGC uu ku amray inuu dilo Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo mas’uul ka tirsanaa xukuumaddii Trump, Niki Haley.

Sida uu sheegay Merchant, qorshahan dilka ah waxaa loogu talagalay aargudasho ka dhan ah dilkii Janaraalkii sare ee Iran Qaasim Sulaymaniyah, oo lagu dilay weerar Mareykanka fuliyay sanadkii 2020.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *