Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Nin qorsheeynayay inuu dilo Madaxweyne Donald Trump oo Dambi lagu helay
    DUNIDA

    Nin qorsheeynayay inuu dilo Madaxweyne Donald Trump oo Dambi lagu helay

    Banaadir24By Banaadir248 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Brooklyn ayaa ku heshay dambi nin u dhashay Pakistan oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay dilal lala beegsanayo siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah.

    Ninkan oo lagu magacaabo Asif Merchant, 47 jir ah, ayaa lagu helay inuu kiraystay qof dilal fulin kara (hitman) oo ku sugan magaalada New York si uu u dilo mas’uuliyiin caan ah oo Mareykan ah, isla markaana uu bartilmaameedsaday madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sannadkii 2024.

    Kadib dacwad socotay toddobaad oo ka dhacday Brooklyn, xeer-beegti federaal ah ayaa ku xukuntay Merchant dambiyada ay ka mid yihiin “dil la kiraystay” iyo “isku day argagixiso oo ka gudba xuduudaha dalalka”.

    Garyaqaanka u doodaya Merchant, oo wajahaya suurtagalnimada xabsi daa’in, ayaa sheegay in weli ay jiraan “arrimo sharci oo adag oo muhiim ah oo aan weli go’aan laga gaarin”.

    Sida ay sheegtay waaxda Cadaaladda Mareykanka, Merchant waxa uu ahaa hawl-wadeen tababar loo siiyay oo la shaqeynayay ciidamada Kacaanka Iiraan (IRGC), waxaana lagu sheegay inuu ku sugnaa Mareykanka si uu u raadiyo dad cusub oo ururkaasi u shaqeeya.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Merchant uu Mareykanka ka soo galay Pakistan bishii Abriil 2024, kadib markii uu muddo ku sugnaa Iran. Bishii Juun ee isla sanadkaas ayuu la xiriiray qof uu u maleynayay inuu ka caawin karo qorshaha dilka, balse qofkaas ayaa markii dambe arrinta u sheegay booliska.

    Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Bariga New York ayaa sheegay in Merchant uu la kulmay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Mareykanka oo iska dhigayay hitmen, kuwaas oo ku sugnaa New York, taasoo keentay in qorshaha la fashiliyo ka hor inta uusan weerar dhicin.

    Merchant ayaa la xiray bishii Luulyo 2024 ka hor inta uusan ka bixin dalka.

    Intii lagu guda jiray dacwadda, Merchant ayaa qirtay in IRGC ay u dirtay Mareykanka si uu u abaabulo dilal siyaasadeed, isla markaana qofka xiriirka la lahaa ee IRGC uu ku amray inuu dilo Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo mas’uul ka tirsanaa xukuumaddii Trump, Niki Haley.

    Sida uu sheegay Merchant, qorshahan dilka ah waxaa loogu talagalay aargudasho ka dhan ah dilkii Janaraalkii sare ee Iran Qaasim Sulaymaniyah, oo lagu dilay weerar Mareykanka fuliyay sanadkii 2020.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleJabuuti iyo Imaaradka oo ka wada-hadlay dagaalka Bariga Dhexe
    Next Article Tallaabo ay qaadayaan dalalka Sacuudiga – Imaaraadka iyo Qatar oo ku qasbaya Netanyahu inuu ka laabto aqoonsigii S/land
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d