Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay Axmed Cabdi Maxamuud Hurre. Hurre oo lataliye sare u ah madaxweynaha Puntland ayay Ciidamada booliiska kasoo xireen hoteelkii uu ka deganaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxana lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa falal liddi ku ah amniga qaranka. Xogo dheeraad ayaa laga helayaa qaabka uu u dhacay xariggiisa iyadoo warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in hoteelka ay galeen ciidamo dharcad ah oo laba ahaa kuwaas oo u yeeray eedeysanaha markii uu uyimid kadibna ay usheegeen inuu xarig yahay balse uu ka dhago adeegay waxayna labada sarkaal ee dhar cadka…
Ciidamada gurmadka degdegga ah, shaqaalaha ambalaasta iyo booliiska ayaa weli ku sugnaa goobta uu ka dhacay dab sababay dhimashada shan qof oo ka tirsan qoys Soomaaliyeed. Dadka geeriyooday ayaa ahaa waalidiin da’doodu u dhaxaysay 30 illaa 40 sano jir iyo saddex carruur ah oo kala ahaa saddex, lix iyo siddeed sano jir. Ilmo yar oo maalmo keliya jiray ayaa ka badbaaday masiibada, inkastoo uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loola cararay isbitaal si loogu daweeyo. Booliiska ayaa sheegay in shanta qof laga helay jaranjarada dhismaha, kadib markii ay ka soo baxeen gurigooda oo ku yaallay dabaqa saddexaad, xilli uu…
Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay utagoo gudanaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka inay xalay gacanta kusoo dhigeen eedysane lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, kaasoo lagu tuhunsan yahay inuu qeyb ka ahaa falal liddi ku ah amniga qaranka. Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga, laguna baacsanayo shaqsiyaadka ku lugta leh falalka qalqal gelinaya nabadgelyada guud ee dalka. Ilo amni ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha hadda lagu hayo xarun amni, islamarkaana ay ku socoto baaritaan qoto dheer oo lagu ogaanayo eedaha loo haysto iyo cid kasta oo ku…
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktas. Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidoo kale iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed, dib-u-dhiska iyo taageerada amni ee ay ka fuliso dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha…
Somaliland ayaa sheegtay in aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil uu fursad weyn u noqon karo horumarinta dekedda Berbera. Si kastaba, iyadoo gantaallo is dhaafsanayaan dalalka gobolka, falanqeeyayaal ayaa ka digaya in tallaabadaasi sidoo kale ka dhigi karto Berbera bartilmaameed amni. Dekedda Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa casriyeeyay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World, taasoo ka dhigtay xarun ganacsi oo heer sare ah kuna taalla mid ka mid ah marin-badeedka ugu mashquulka badan caalamka. Inkasta oo Berbera ay weli qaaddo konteenarro ka yar kuwa dekedaha Jabuuti iyo Mombasa, haddana isu socodka…
Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso tallaabo kasta oo sharci ah oo ay dalalkaasi ku difaacayaan madaxbannaanidooda iyo ammaankooda, isla markaana ay ku baaqday in xiisadaha gobolka lagu xalliyo wadaxaajood iyo nabad. Si kastaba ha ahaatee, bayaanka dowladda ayaa si cad uga maqnaa cambaareyn ku aaddan weerarka lagu qaaday Imaaraadka Carabta, inkastoo uu yahay dal Muslim ah oo ka tirsan dalalka Khaliijka. Arrintan ayaa dhalisay falcelin siyaasadeed iyo dood ku saabsan sababta Dowladda Soomaaliya uga aamustay weerarkaasi. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda…
Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Kuwait ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in dhowr diyaaradood oo dagaal oo Mareykanu leeyahay ay ku burbureen gudaha dalkaasi, hase yeeshee dhammaan shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadeen, iyadoo xiisadaha ka aloosan Galbeedka Aasiya ay sii kordhayaan. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Kuwait ayaa sheegay in dhowr diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah ay shil galeen horaantii maanta, balse uu xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii saarnaa ay badbaado qabaan. Ciidamada ayaa warkaasi ku baahiyay barta bulshada ee X. Mas’uulkan ayaa xusay in si degdeg ah loo bilaabay howlgallo baadigoob iyo samatabixin ah, kuwaas oo lagu soo daadgureeyay…
Markabka dagaalka ee Turkiga ee TCG Bafra oo ka tirsan Hawlgalka Ciidanka Badda Soomaaliya (Somali Naval Task Force), ayaa lagu qabtay tababar farsamo oo loo yaqaan “Applied Ship Training” kaas oo la siiyay saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya. Tababarkan oo ah mid ku saleysan ku-dhaqanka hawlaha markabka inta uu badda ku jiro, ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha maareynta howlgalka, badbaadada markabka, la tacaalidda xaaladaha degdegga ah iyo kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha ee dhinacyada farsamada. Mas’uuliyiin ka tirsan howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada tababarku ay tahay xoojinta awoodda iyo hufnaanta Ciidanka Badda Soomaaliya, si ay si madax-bannaan…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo bayaan rasmi ah ku muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay dalal dhowr ah oo Carbeed, balse aan ku darin Imaaraadka Carabta. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay si adag u diiddan tahay “weerarradii iyo duqeymihii dhawaan ay Iiraan ku beegsatay dalal walaalo Carbeed ah,” kuwaas oo lagu tilmaamay xadgudub cad oo halis ah oo ka dhan ah…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballan-qaaday in uu sii wadi doono waxa uu ku tilmaamay “howlgal xaq ah” oo ka dhan ah Iran, ilaa laga gaarayo “dhammaan ujeeddooyinka la dejiyey”, isaga oo sidoo kale qiray in ay suuragal tahay in askar kale oo Mareykan ah ay ku dhintaan howlgalkaasi. Khudbad muuqaal ah oo uu Axaddii ku baahiyey akoonkiisa baraha bulshada ee Truth Social, ayuu Trump mar kale dagaalka ka dhanka ah Iran ku sifeeyey mid looga jawaabayo khatar jiritaan ah oo ku wajahan Mareykanka. Wuxuu sheegay in “maamul Iran ah oo ku hubeysan gantaallo riddadoodu dheer tahay iyo hub nukliyeer…