LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Tallaabo ay qaadayaan dalalka Sacuudiga – Imaaraadka iyo Qatar oo ku qasbaya Netanyahu inuu ka laabto aqoonsigii S/land

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo quwadaha kale ee Mareykanka iyo Israa’iil ayaa la sheegay inuu ku qasbay Israa’iil inay dib uga fiirsato qorsheyaasheeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in isbahaysi ay sameynayaan dalalka Khaliijka sida Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Qatar si ay uga hortagaan Iran kaasoo cadaadis weyn saari karo Israel, oo laga yaabo inay ku khasabto Ra’iisul Wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu inuu joojiyo ama dib uga laabto aqoonsigii uu siiyay Somaliland bishii Diseembar sanadkii tagay ee 2025.

Madaxweyne Cirro oo sheegay in Macdanta Somaliland uu Israa’iil ku wareejinayo

Haddii arrintan ay dhacdo, waxaa suuragal ah in ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya ay dib u helaan saameyn iyo dhulal badan oo ku yaalla waqooyiga dalka, sida gobolka Awdal, magaalada dekedda leh ee Berbera, iyo sidoo kale magaalada Burco, iyadoo taageero laga helayo dalalka Carabta ee garab istaagaya dowladda Soomaaliya sida uu sheegay khabiir ku takhasusay ariimaha geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa la sheegay in tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Iran ay si weyn hoos ugu dhaceen duulimaadyadii xamuulka ee ka imaanayay Imaaraadka Carabta ee ku wajahnaa Berbera inkasta oo aysan si buuxda u joogsan.

Hoos u dhacaas ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiri karo yaraanshaha sahay ama hub la sheegay inuu u socday xoogagga Rapid Support Forces ee ka dagaallama Sudan, kuwaas oo mararka qaar la sheegay inay sahay ku helayeen waddooyin mara  Itoobiya iyo Berbera.

Haddii Israel ay si dhab ah uga laabato aqoonsiga Somaliland, waxaa la rumeysan yahay in taasi cadaadis weyn ay saari karto Somaliland, taasoo laga yaabo inay ku qasbanaadaan inay wada-xaajood la galaan dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu tilmaamay khabiirka ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika.

Arrintan ayaa sidoo kale furi karta fursad cusub oo lagu xallin karo qaar ka mid ah khilaafaadka ka jira Geeska Afrika.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *