LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inuu ku hubeynayo Ciidamo Beeledyo

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku hubeyneyso ciidamo beeleedyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali Jifo jabsade oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay muhiim tahay ilaalinta Dastuurka islamarkaana wax kabadal walba oo lagu sameeynaayo in loo maro wadatashi qaran oo loo dhanyahay si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale ku eedeeyay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu Puntland ku hubeeyay ciidamo beeleedyo si loo burburiyo islamarkaana uu Puntland ka jartay mashaariicdii hormarineed ee caalamku ku taageerayay Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in Puntland ay isku filantahay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan intaba.

“Anagu waa isku filanahay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan, MW Xasan wuxuu hor joogsaday dhaqaalihii horumarinta qoondadii Puntland, wuxuu diidey baasaboorada ciidankii ku dhaawacmay dagaalka Cal-miskaad, wuxuu isku deyey inuu burburiyo Puntland iyo maamulo dhisan oo uu ku hubeeyey ciidan beeleedyo”, Ayuu yiri Jifi-jabsade.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *