Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
War goor dhow nagasoo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan lagu soo daadiyay garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo waxaa sidoo kale lagu gooyay gawaari tikniko ah oo kuwa ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ah si aysan garoonka uga soo degin diyaarado lafilayo inay Muqdisho ciidan kaqaadaan. Dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa garoonka diyaaradaha iyadoona halkaas la geeyay boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed. Xiisadda u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka ayaa cirka iskusii shareertay iyadoo dowaldda…
The Federal Government of Somalia on Thursday airlifted elite Haramad police units to the coastal town of Barawe in the Lower Shabelle region, as political tensions continue to escalate. Sources indicate that the deployment is linked to a federal plan to organize elections in Barawe, despite a deepening dispute with the Southwest State administration, particularly its regional president. Although details of the proposed electoral process have not been officially disclosed, the ongoing military movements suggest clear preparations on the ground. In a related development, the Commander of the Somali National Army last night dismissed the head of the 6th Brigade…
Wararka laga helayo dekedda magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen lacag ka badan 10 milyan oo dollarka Mareykanka. Lacagtaan oo ciidanka ammaanka ay ka dhex qabteen konteenar ayay wararku sheegayaan in lasoo dhexgaliyay alaabo ganacsi oo konteenarka lagu waday kuwaas oo ay leeyihiin gacacsato Soomaaliyeed. Ilo wareed ku sugan dekadda magaalada Muqdisho ayaa Banaadir24 Online, u sheegay in lacagta malaayiinta dollar ah aysan ahayn lacag sax ah oo ay tahay lacag been abuur waxana lagu qabtay nin lagu magacaabo Nuur kaas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada ammaanka dekedda Muqdisho. Ninka la xiray ayaa la…
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay fulisay xukun dil ah oo lagu riday nin lagu helay inuu u basaasayay Israa’iil, sida ay shaacisay hay’adda garsoorka dalkaasi 18-ka Maarso. Tani ayaa noqoneysa fulintii ugu horreysay ee noocan ah ee si rasmi ah loo shaaciyo tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Iiraan, Israa’iil iyo Maraykanka. War lagu daabacay barta Mizan Online ayaa lagu sheegay in xukunka dilka ah ee lagu riday nin lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay sirdoonka Israa’iil la fuliyay subaxnimadii maanta. Ninkan ayaa la sheegay inuu siiyay saraakiisha sirdoonka xog iyo sawirro la xiriira goobaha xasaasiga ah ee dalka.…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadallo muran badan dhaliyay ka jeediyay Aqalka Oval-ka, isagoo Soomaaliya ku tilmaamay “dal ka sii hooseeya kuwa saboolka ah ee caalamka,” isla markaana mar kale ku celiyay eedeymo hore loo beeniyay oo ku saabsan xildhibaannada Ilhaan Cumar. Trump ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay “dal kasii hoseeya kuwa sadexaad oo ah dal afaraad,” hadal si weyn loo cambaareeyay, maadaama uu u muuqdo mid liidaya xaaladda dalka iyo dadkiisa. Sidoo kale, wuxuu ku celiyay eedeyn aan wax caddeyn ah loo hayn oo ah in Ilhaan Cumar ay si sharci darro ah ku gashay Mareykanka iyadoo guursatay…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay xarigga ay dowladda federaalka Soomaaliya kula kacday dhallinyarada ururka Soypa. Farmaajo ayaa cambaareeyay tallaabadaas isagoo ku tilmaamay inay muujineyso wadada qaldan ee madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo uu la aaday dalka.
A man identified as the nephew of Hassan Sheikh Mohamud, the President of Somalia, has reportedly come under scrutiny after nearly 100 tons of goods belonging to Somali traders were held at a warehouse inside Aden Adde International Airport in Mogadishu. According to traders, the warehouse is managed by Abdirisak, who is said to be the president’s nephew. The business owners claim their goods have been stuck in the facility for nearly two weeks, despite their willingness to pay all required government taxes. The traders allege that additional fees imposed by the company operating the warehouse have prevented the release…
Ku dhowaad 100 tan oo badeecooyin kala duwan ah ayaa muddo laba toddobaad ah ku xaniban bakhaar ay maamusho shirkadda AIRMAS oo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada soo dejisay badeecooyinkan ayaa sheegay in bakhaarka uu maamulo Cabdirisaaq oo uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Ganacsatadu waxay sheegeen inay diyaar u yihiin bixinta canshuuraha dowladda, balse ay ka cabanayaan lacago dheeraad ab ee ay shirkadda AIRMAS kusoo rogtay. Sidoo kale, ganacsatadu waxay tilmaameen in xannibaadda bakhaarka ay si weyn u saameysay howlahooda ganacsi, iyagoo dalbaday in si degdeg ah arrintan loo soo…
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa maanta hawlgal ka fuliyay tuulooyinka Buulo Naageey iyo Busley Daa’uud oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaas oo la sheegay inay dhibaato ku Hayden shacabka deegaanka. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wadaya dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, waxaana ka go’an difaaca shacabka iyo xoreynta guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisadu. Ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada howlagalka fuliyay. Ciidamada xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab iyadoo muddooyinkaan dambe ay xoogeysteen weerarada cirka iyo dhulka…
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka India ayaa si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi, isaga oo ku eedeeyay inuu siyaasaddiisa dibadda ku saleeyo cadaadis uga imanaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumpiyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Xildhibaanka ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhiga baarlamaanka ku sheegay in hoggaanka Modi uu u muuqdo mid ku tiirsan talooyinka Washington iyo Tel Aviv, taasoo keentay caro ka dhex dhalatay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xildhibaanku sheegay: “Salaan ayaan u dirayaa Ali Khamenei, oo aan u jilba-jabsan Mareykanka, balse shahiiday. Adiguse, qof aan qiimo lahayn, waad u…