Author: Banaadir24

War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in xiisadda u dhexeysay dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur ay sii xumaatay islamarkaana qarka u saaranyihiin inay dagaalamaan kadib markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay u dhaqaaqeen difaacyada ay ku suganyihiin Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed. Wararka aan ka heleyno gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay kaabiga ku hayaan difaacyada ciidamada Koonfur Galbeed ee kabaxsan gudaha magaalada Baydhabo iyadoona ay u badanyahay in labada dhinac ay fooda isdaraan saacadaha socda. inkabadan laba kun oo askari ayay dowladda federaalka geysay degmada Buurhakaba kuwaas oo ay dooneyso inay ku weerarto magaalada…

Read More

Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed oo ka hadlay xiisadda ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed ee u dhexeysa dowladda federaalka iyo golahaas oo isku dhinac ah iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Madaxweybe Laftagareen. Afhayeenka Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen Joon, oo farriin culus u diray shacabka  ku nool magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay in shacabku isdajiyaan islamarkaana magaalada Baydhabo ay si nabad ah ula wareegayaan. Waxa uu sheegay inaan loo baahneyn in shacabku barakacaan islamarkaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen loogala wareegayo magaalada si nabad ah sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Lafatagareen in magaalada Baydhabo…

Read More

Warbixinno cusub ayaa muujinaya in Israa’iil ay bilaabeyso inay la tacaasho yaraanta hubka muhiimka ah ee difaaca hawada, xilli ay sii kordhayaan weerarrada kaga imanaya jihooyin kala duwan. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Isra’iil ay hadda xaddiday isticmaalka gantaallada casriga ah ee Arrow, kuwaas oo loogu talagalay inay qabtaan gantaallada riddada dheer. Bedelkeed, waxaa la adeegsanayaa noocyo la casriyeeyay oo ka tirsan nidaamka David’s Sling, inkastoo aan markii hore loogu talagelin hawlaha qaarkood ee hadda loo adeegsanayo. Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii weerarro toos ah ay ku dhaceen magaalooyinka Dimona iyo Arad, taasoo sare u qaaday…

Read More

Cutub ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib markii ay ka soo dhaqaaqeen magaalada Muqdisho, oo qiyaastii 184 km u jirta degmadaasi. Intii ay safarka ku jireen, ciidamada ayaa la kulmay weerar uga yimid kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo fariisin ku lahaa deegaanka Jameeco, oo sidoo kale loo yaqaan Jameeco Misra, kuna yaalla meel qiyaastii 30 km u jirta Buurhakaba. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Gorgor ay si guul leh uga hortageen weerarkaasi, isla markaana ay ka adkaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo halkaasi u joogay uruurinta lacago baad ah oo laga…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed lagu wargeliyay inay si toos ah ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sii jeeda magaaladaasi. Sida ay tilmaamayaan ilo kala duwan, dowladda federaalka ayaa si rasmi ah ugu amartay ciidamada Itoobiya ee howlgalka ATMIS inay la shaqeeyaan hay’adaha federaalka, iyadoo la doonayo in la xoojiyo wada shaqeynta amni ee ka socota Baydhabo. Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiisha ciidamada Itoobiya ay fariin gaarsiiyeen madaxweynaha Dowlad Goboleedka…

Read More

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramay in ciidamada Booliiska Soomaaliya ay goor dhoweyd la wareegeen Kastamka Canshuuraha ee degmada Afgooye. Xarunta Kastamka Canshuuraha ee degmada Afgooye ayaa waxay hoos tagtaa maamulka Koonfur Galbeed iyadoona canshuurta halkaasi lagu aruuriyo ay si toos ah ugu dhici jirtay maamulka Koonfur Galbeed, balse maanta ay la wareegeen ciidamada Booliiska Dowladda federaalka Soomaaliya. Xarunta Kastamka Canshuuraha ee Afgooye ayaa waxaa madax ka ahaa Cabdifitaax Mahad oo uu dhalay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Gen Mahad Cabdiraxmaan (Shub) oo maalmo kahor ay xilka ka qaaday dowlada federaalka Soomaaliya islamarkaana ay…

Read More

Taliyaha guud ee Ciidamada Israel (IDF), Jen. Eyal Zamir, ayaa Arbacadii uga digay golaha wasiirrada amniga in ciidanka uu halis ugu jiro inuu “burbur” haddii aan xal laga gaarin yaraanta shaqaalaha ciidan. “Waxaan kor u qaadayaa 10 digniin oo cas ka hor inta aysan IDF burburin,” ayuu yiri Zamir intii uu kulanka golaha wasiirradu socday, sida uu xaqiijiyey wargeyska The Jerusalem Post. Ilo ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in welwel weyn laga qabo shaqaale Garuda, gaar ahaan xilli ay socdaan dagaallo. Xitaa xilliga nabadda, Israel weli waxay ciidamo badan ugu baahantahay halkii ay ka yaraan lahayd xuduudaha…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ka fiirsaneysa inay u dirto ilaa 10,000 oo askari oo dheeraad ah Bariga Dhexe, xilli ay socdaan wada-hadallo la xiriira Iran, sida uu warinayo wargeyska Wall Street Journal, oo soo xigtay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca oo xogtan la socday. Warbixinta ayaa sheegtay in ciidanka la qorsheynayo ay ka koobnaan doonaan cutubyo lugta ah iyo gaadiid dagaal oo gaashaaman, kuwaas oo lagu biirin doono Ciidanka 82-aad ee Airborne Division oo horey loogu daabulay gobolka. Ujeeddada arrintan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump la siiyo “ikhtiyaarro militari oo dheeraad ah.” Khabiirro ayaa tilmaamay in dirista Ciidanka…

Read More

Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in dagaal uu ka qarxo saacadaha afar iyo labaatanka saac ilaa 48 saac ee soo socda, gaar ahaan waddooyinka u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay, ama Daynuunaay iyo Buurhakaba. Iska hor imaadkan la filayo ayaa la sheegay inuu dhex mari karo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo xiisadda ay si weyn u sii kordhayso. Ilo-wareedyo ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto sidii ay u joojin lahayd doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhabo maalinta Axadda. Si kastaba ha…

Read More