DEG-DEG: Ciidamo Booliis Ah Oo Lawareegay Kastamka Canshuuraha Afgooye

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramay in ciidamada Booliiska Soomaaliya ay goor dhoweyd la wareegeen Kastamka Canshuuraha ee degmada Afgooye.
Xarunta Kastamka Canshuuraha ee degmada Afgooye ayaa waxay hoos tagtaa maamulka Koonfur Galbeed iyadoona canshuurta halkaasi lagu aruuriyo ay si toos ah ugu dhici jirtay maamulka Koonfur Galbeed, balse maanta ay la wareegeen ciidamada Booliiska Dowladda federaalka Soomaaliya.
Xarunta Kastamka Canshuuraha ee Afgooye ayaa waxaa madax ka ahaa Cabdifitaax Mahad oo uu dhalay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Gen Mahad Cabdiraxmaan (Shub) oo maalmo kahor ay xilka ka qaaday dowlada federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka dhigtay xabsi guri.
Lama garanayo sababta ka dambeysa la wareegitaanka xarunta Kastamka degmada Agooye ee ay dowladda federaalka maanta la wareegtay balse waxay u muuqataa tallaabo ay dowladda cadaadsi dhaqaale ku saareyso maamulka Koonfur Galbeed oo siyaasad ahaan ay iminka ishayaaan.









