DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo 10,000 Askari oo Dheeraad ah u diraya Bariga Dhexe

Dowladda Mareykanka ayaa ka fiirsaneysa inay u dirto ilaa 10,000 oo askari oo dheeraad ah Bariga Dhexe, xilli ay socdaan wada-hadallo la xiriira Iran, sida uu warinayo wargeyska Wall Street Journal, oo soo xigtay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca oo xogtan la socday.

Warbixinta ayaa sheegtay in ciidanka la qorsheynayo ay ka koobnaan doonaan cutubyo lugta ah iyo gaadiid dagaal oo gaashaaman, kuwaas oo lagu biirin doono Ciidanka 82-aad ee Airborne Division oo horey loogu daabulay gobolka. Ujeeddada arrintan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump la siiyo “ikhtiyaarro militari oo dheeraad ah.”

Khabiirro ayaa tilmaamay in dirista Ciidanka 82-aad ee Airborne Division ay si toos ah ugu wajahan tahay danaha istiraatiijiga ah ee Iran, gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida Jasiiradda Kharg ee ku taalla Gacanka Faaris.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska ayaa xusay in aan wali la caddeyn halka lagu daabulayo ama lagu dejinayo ciidanka dheeraadka ah.

Afhayeen ku-xigeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa sheegtay in dhammaan ogeysiisyada ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidanka ay kasoo bixi doonaan Wasaaradda Dagaalka. Waxay intaas ku dartay in “Madaxweyne Trump uu mar walba haysto dhammaan xulashooyinka militari.”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii hore ku dhawaaqay in si ku-meelgaar ah loo joojinayo burburinta xarumaha tamarta ee Iran, kadib codsi uu sheegay inuu ka yimid dowladda Tehran.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in Mareykanku “hakad gelinayo muddada burburinta xarumaha tamarta” ilaa 6-da Abriil, isaga oo xusay in wada-hadallo ay weli socdaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hakadkan uu socon doono muddo toban maalmood ah, isla markaana uu ku eg yahay 8-da fiidnimo ee waqtiga Bariga Mareykanka (Eastern Standard Time) maalinta 6-da Abriil.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *