DEG-DEG: Golaha Badbaadada Koonfur oo ku dhawaaqay in saacadaha soo socda…

Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed oo ka hadlay xiisadda ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed ee u dhexeysa dowladda federaalka iyo golahaas oo isku dhinac ah iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Madaxweybe Laftagareen.
Afhayeenka Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen Joon, oo farriin culus u diray shacabka ku nool magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay in shacabku isdajiyaan islamarkaana magaalada Baydhabo ay si nabad ah ula wareegayaan.
Waxa uu sheegay inaan loo baahneyn in shacabku barakacaan islamarkaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen loogala wareegayo magaalada si nabad ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Lafatagareen in magaalada Baydhabo ay soo galiyeen xubno dharcad Shabaab ah oo uu sheegay inay xalay dhibaato u geysteen dad shacab ah.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in saacadaha soo socdo magaalada Baydhabo laga sameyn doono dhaqdhaqaaq nabadeed oo uu sheegay in looga gol leeyahay sidii Madaxweyne laftagareen si nabad ah loogu saari lahaa.









