LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Dowladda Somalia oo ciidamada Itoobiya siisay ammar ka dhan ah Madaxweyne Laftagareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed lagu wargeliyay inay si toos ah ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sii jeeda magaaladaasi.

Sida ay tilmaamayaan ilo kala duwan, dowladda federaalka ayaa si rasmi ah ugu amartay ciidamada Itoobiya ee howlgalka ATMIS inay la shaqeeyaan hay’adaha federaalka, iyadoo la doonayo in la xoojiyo wada shaqeynta amni ee ka socota Baydhabo.

Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiisha ciidamada Itoobiya ay fariin gaarsiiyeen madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, taas oo muujinaysa in ciidamada Itoobiya lagu amray inay si toos ah ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, warbixintu waxay xustay in haddii ciidamada Itoobiya ay ku lug yeeshaan dagaal iyagoo taageeraya maamulka Koonfur Galbeed, ay taasi keeni karto xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay markaas qaadi karto tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah Itoobiya, taasoo sii xumeyn karta xiriirka labada dal, isla markaana saameyn ku yeelan karta howlgalka guud ee nabad ilaalinta ee dalka.

Waxaa sidoo kale jirta suurtagalnimo ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalbato in ciidamada Itoobiya ay si degdeg ah uga baxaan dalka, haddii ay dhacdo faragelin ka baxsan waajibaadka howlgalka ATMIS.

Dhanka siyaasadda, Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba waxay xiriir dhow la leeyihiin dowladda Turkiga, waxaana la aaminsan yahay in Ankara ay door ka qaadan karto dhexdhexaadinta khilaaf kasta oo ka dhex dhasha labada dal.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in xaaladdan ay fursad u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u ilaaliso xiriirka ay la leedahay Itoobiya, iyada oo la tixgelinayo saameynta ay leeyihiin dowlad goboleedyada qaarkood. Waxa ay tilmaamayaan in muddo ka badan 20 sano, maamulada Puntland, Somaliland iyo Jubbaland lagu eedeeyay inay caqabado ku ahaayeen dhismaha dowladnimo mideysan, isla markaana ay xiriir la lahaayeen dalal dibadeed oo ay ka mid tahay Imaaraadka Carabta, xilliyada doorashooyinka, si ay u wiiqaan awoodda dowladda federaalka.

Ilaa hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Itoobiya ama maamulka Koonfur Galbeed oo si cad u xaqiijinaya arrimahan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *