LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo wadada cashir loogu dhigay : Ciidamada Gorgor oo Si Awood Leh ku Gaaray Buurhakaba

Cutub ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib markii ay ka soo dhaqaaqeen magaalada Muqdisho, oo qiyaastii 184 km u jirta degmadaasi.

Intii ay safarka ku jireen, ciidamada ayaa la kulmay weerar uga yimid kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo fariisin ku lahaa deegaanka Jameeco, oo sidoo kale loo yaqaan Jameeco Misra, kuna yaalla meel qiyaastii 30 km u jirta Buurhakaba.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Gorgor ay si guul leh uga hortageen weerarkaasi, isla markaana ay ka adkaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo halkaasi u joogay uruurinta lacago baad ah oo laga qaado dadka isticmaala waddada.

Ciidamada Gorgor oo si fiican u qalabeysan ayaa ugu dambeyn si nabad ah ku gaaray degmada Buurhakaba, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin.

Warar kale ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay suuragal tahay inay maalinta berri ah u sii gudbaan deegaanka Daynuunay, oo qiyaastii 25 km u jirta magaalada Baydhabo. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli la filayo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, uu qorsheynayo qabashada doorashada Baarlamaanka dowlad goboleedka maanta.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee dowladda oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalka ciidamada Gorgor.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *