LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Dowladda oo u dhaqaaqay difaacyada Koonfur Galbeed & Xaaladda oo kasan

War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in xiisadda u dhexeysay dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur ay sii xumaatay islamarkaana qarka u saaranyihiin inay dagaalamaan kadib markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay u dhaqaaqeen difaacyada ay ku suganyihiin Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka aan ka heleyno gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay kaabiga ku hayaan difaacyada ciidamada Koonfur Galbeed ee kabaxsan gudaha magaalada Baydhabo iyadoona ay u badanyahay in labada dhinac ay fooda isdaraan saacadaha socda.

inkabadan laba kun oo askari ayay dowladda federaalka geysay degmada Buurhakaba kuwaas oo ay dooneyso inay ku weerarto magaalada Baydhabo oo saldhig u ah madaxweynaha Koonfur Galbeed waxana ciidamadan laga kala keenay gobollada Shabeellooyinka .

Isbedelladaan ayaa imaanaya xilli Koonfur Galbeed ay u diyaar garoobeyso dhammeystirka hanaanka doorashadeeda taasoo si weyn ay u diidantahay dowlada federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *