Author: Banaadir24

Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo uga digay waxa uu ku tilmaamay “gardarro iyo weerar aan caddaalad ahayn” oo lagu qaado magaalada Baydhabo. Siyaasiga rug cadaaga ah ee Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha uga digay inuu bilaabo tallaabo ciidan oo ka dhan ah Baydhabo, isagoo carrabka ku adkeeyay in magaaladaasi tahay deegaan nabdoon oo Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in weerar noocaas ah uu noqon karo mid aan cadaalad ahayn, isla markaana halis gelin kara xasilloonida deegaanka oo hadda deggan. Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku aaddan…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si adag uga hadlay weerarka ay dowladda federaalka Soomaaliya qorsheyneyso inay ku qaado magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay X oo horey loogu magacaabi jiray (Twitter) ayaa ka digay weerar kasta oo lagu qaado magaalada Baydhabo ama guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo ku hanjabay in tallaabo kasta oo noocaas ah lagu wajihi doono jawaab ciidan oo culus oo aan laga laaban doonin. Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan…

Read More

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falalka marin-habaabinta, dacaayadda, iyo wararka aan salka lahayn ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si toos ah uga dhan ah madaxda, hay’adaha, iyo jiritaanka Dowladda Koonfur Galbeed. Dowladda Koonfur Galbeed waxay falalkaas u aragtaa kuwo si weyn u wiiqaya kalsoonida shacabka, isla markaana dhaawacaya wadajirka, nabadda, iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed waxay walaac xooggan ka muujinaysaa waxa ay ku tilmaamtay heshiisyo hoose iyo wada-shaqeyn qarsoodi ah oo ka dhaxeysa kooxda khawaarijta Al-Shabaab iyo hoggaanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa. Dowladda Koonfur…

Read More

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area near Baydhabo in Bay region. The operation resulted in the deaths of more than 20 Kharijites members and destroyed the roadblocks they had erected in that location. The Federal Government of Somalia has information that the former Southwest State administrator, Abdiaziz Hassan Mohamed(Lafta Gareen), and the former Speaker of the Parliament, Ali Said Faqi, maintain direct ties with the Kharijites group. Acting on agreements they allegedly reached, they disseminated today misleading reports against international partners who support the national security…

Read More

Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-03-2026, waxa ay cagta mariyeen jidgooyooyin u yaallay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa nawaaxiga deegaanka Daynuuney ee Gobolka Bay. Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka mid ah Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu guulaystay in la burburiyo isbaarooyinkii ay halkaas ka sameysteen. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka war haysaa in hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi, ay xiriir…

Read More

Sannad iyo bar ka hor waxaa la idiin diray Kismaayo iyada oo la sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe heshiis uga baxay Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa la idinku dhextuuray furin dagaal oo uu dhexaysa Al-shabaab, ciidammo shisheeye iyo walaallihiin Soomaaliyeed. Muddo ka dib, siyaasiyiintii way isgacmo qaadeen, booshaqooyin ayaa la is dhaafsaday, Xasan wuxuu ka degay Kismaayo, Axmedna wuxuu yimi Muqdisho. Xiisaddii way degtay, laakiin, khasaarihii, dhaawacii iyo dhimashadii idinka ayaa qaaday. Miyaad maqasheen cid magdhow la siiyey, ama ciidankii soo jabay lagula xisaabtamay oo loo ciqaabay ama xil looga qaaday! Wuxuu noqday dagaal laga macaashay oo cidi ku hodontay. Haddaba,…

Read More

Warar kala duwan oo isa soo taraya ayaa sheegaya in xalay magaalada Baydhabo ay gaareen gaadiid dagaal oo si weyn u gaashaaman, kuwaas oo sare u qaaday dareenka amni ee magaalada. Ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya in ciidamada wata gaadiidkan ay ka tirsan yihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), islamarkaana ay gudaha u soo galeen Soomaaliya iyagoo ka soo tallaabay gobolka Gedo. Warar kale ayaa intaas ku daraya in ciidamo dheeraad ah ay ku sii jeedaan Baydhabo, kuwaas oo la sheegay inay horay uga soo gudbeen degmada Doolow. Dhanka kale, ilo kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah…

Read More

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hambalyo u diray madaxda dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Madaxweyne Cabdicasis Maxamed Xasan (Laftagareen) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada KGS, Mudane Dr. Cali Saciid Fiqi. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa bogaadin u diray xubnaha Golaha Wakiillada 3-aad ee KGS ee dhawaan la dhaariyay, isagoo tilmaamay in doorashadan ay meesha ka saartay hubanti la’aantii siyaasadeed ee hay’adaha maamulka. Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay maamullada kale ee muddo xileedkoodu dhamaaday inay si deg-deg ah u qabtaan doorashooyinka heer Dowlad Goboleed, si looga baxo firaaqa maamul loogana hortago xasillooni darro saameyn karta amniga…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, Waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Benaadir. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhismaha Waddadaan ay astaan u tahay dib u soo kabashada iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu, gaar ahaan dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Benaadir tallaabada dhaxal reebka ah ee shacabka dib loogu celiyay Canshuurtii laga qaaday. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay si dhab ah…

Read More